Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Deegaano ka mid ah G/Bay.

Muqdisho:-Wararka ka imaanaya degmada Diinsoor ee gobolka Bay, ayaa sheegaya in Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay duleedka degmadaasi.

Weerar qorshaysan oo ciidamada dawlad goboleedka KGS ay ku qaadeen deegaan yar oo lagu magacaabo Gowaawiin, oo hoos yimaada degmada Diinsoor ayaa lagu sheegay in lagu dilay 6 ka mid ah Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Maamulka degmada oo faah faahin ka bixiyay weerarka ayaa waxay sheegeen in weerarku uu ahaa mid qorshaysan, islamarkaasina ay ku dileen lix ka tirsanaa Al-Shabaab, iyadoo labo ka mid ah Maleeshiyaadkii ay weerarka ku dileen ay keeneen degmada Diinsoor.

Dhanka kale maamulka degmada ayaa sheegay in dhaawac fudud uu ka soo gaaray weerarku, taliyihii hawlgalka hoggaaminayay , kaas oo lagu magacaabo Taliye Macalin Shiine, iyadoo mudooyinkii u dambeeyay ciidamada daraawiishta maamulka KGS ayaa gobolkaasi ka wadeen hawlgallo ay sheegeen in ay deegaannada maamulkaasi kaga saari doonaan Al-Shabaab.