Ciidamada Itoobiya oo qarax lagula beegsaday Deegaanka Qansax dheere.

Muqdisho:-Wararka aan ka helayno gobolka Bay ayaa sheegaya in qarax lagula beegsaday Kolonyo ka tirsan ciidamada Itoobiya ee ku hawlgala magaca AMISOM.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa waxay ku qaraxday Kolonyada ciidamada Itoobiya, xilli ay marayeen gudaha Qansax Dheere ee ay ku sugnaayeen.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxu uu ka dhashay Khasaare kala duwwan, balse ilaa iyo hadda aan la xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay Qaraxaasi.

Dadka deegaanka ayaa waxay sheegeen in qaraxu ahaa mid xooggaan, kaas oo si weyn looga maqlay gudaha Qansax Dheeree.