Abaaydiis Alla ha ku xiriiriyo!!!. (uug waxaa ugu daran midka, Dhalaan aan weli dhalan dhaxalkoodii xadayo)

Golihii Sharci dajinadu waa dhinteen ( F.S: 1aad).

Aaskoodii waxaa ka qeyb galay Dollar ( F.S:2aad).

waddankiina waxa uu sababsaday Shidaal. (F.S:3aad).

Runta qaarkeed waa xaraar badan tahay, waana khatar badan tahay. kan xaqiisu maqan yahay ayaana ugu horeeyo kuwa aan rabin in Baadida la doono.

(Tuug waxaa ugu daran midka, Dhalaan aan weli dhalan dhaxalkoodii xadayo).

Mar kasta waxaan dhisanaa Dowlad cumrigeedu yahay 4 Sanno, Dowladaas waxaa loo igmado waxaa ugu muhimsan 4 shey oo kaliya in ey qabato muddada ey xilka heeyso.

1. in Dib u heshiisiinta ey ka shaqeeyso.
2. in Nabad galyada ey sugto.
3. in Heykalkii dowladnimo iyo Heyadihii Dowliga ey dhameeystiro.
4. in ey ilaaliso midnimadda.

wixii aan intaa eheyn oo ey qabato oo leh saameeyn ka badan muddo xileedkeeda 4ta Sanno waa waa Sharci daro. Dowladu ma gali karto Heshiis saameeyntiisu ey ka badan tahay 4taa sanno,oo u gudbayo mustaqbalka.

Iska daa xuduudaha Dalka ee xatta, Dalka kama jirto Dowlad Dalka oo dhan wada xakunto oo Go’aan loo dhan yahay u gaari karto ummadda Somaliyeed.( F.S:4aad)

Sidaa Dareedeed Suura gal ma ahan in heshiis waqtigiisu ka badan yahay 4 Sanno ey gasho Xukuumad aan leheeyn sharciyad dhab ahaan buuxdo oo Dalka oo dhan ey ku wada matasho.

waxaa fiican in Qofku uu arragtidiisa Qofeed uu cadeeysto:

Anigu ma ihi Masuul xil Qaran ama mid deegaan hayo, Go’aanada qaarna ma jirto cid iiga wakiil ah sida kan shidaalka, Badda iyo Dekadaha heer Qaran, inkasto oo aanan leheeyn Awood aan wax uga qabto hadda, haddana ma aqoonsani mana aqoonsan doono heshiisyadaa.

Allow markhaati iiga noqo in aanan ogleeyn in aan ka qeyb qaato Dayaca Dalka aad na siisay, intii karaankeeyga ahna aanan ogolaan doonin Dhaxalka mid nool iyo mid dhalan doonaba in aan dhunxiyo ama mid dhunxinayo aan gacan ku siiyo.

FG: Arragtidaada Adigu xur ayaad u tahay, Anniga teyda ku saabsan Heshiisyada sida is hoos galiska ah loo galo waa kaa.

Qore: Yahya Amir