Wasaaradda Caafimaadka Hirshabeelle oo rajo wanaagsan ka muujisay hoos u dhaca faafidda Covid-19

Muqdisho:-Wasiirka Caafimaadka Hirshabeelle mudane Cabdi Macalin oo maanta kormeer ku tagay isbitaalada Degmada Jowhar iyo xarunta karantiilka dadka uu soo rito Cudurka Covid19, waxaana kormeerka ku wehlinayay wasiiru dowlaha wasaarada Caafimaadka Muxudiin Muqtaar Cabdule iyo maamulka Degmada Jowhar.

Kormeerka kadib ayaa warbaahinta waxaa la hadlay Guddoomiyaha Degmada Jowhar Cismaan Maxamed Muqtaar Baarey waxaana uu sheegay in wasaaradda ay kala shaqeyndoonaan fududeynta goobaha lagenayo adeegyada Caafimaadka sidoo kale waxa uu bulshada Reer Jowhar ugu baaqay inay raacaan talooyinka Wasaarada Caafimaadka Hirshabeelle.

Wasiirka wasaradda Caafmaadka Hirshabeelle Cabdi Macalin Maxamed ayaa sheegay in 48saac aynu soo dhaafnay aysan jirin kiisas Cusub oo Covid19 ah islamaarkaana hadda raja wanaagsan ay ka qabaan inuu hoos u dhac ku yimaado Xanuunka Covid19.