Taliyaha Ciidamada xoogga oo booqasho ku maraya Gobolada Dhexe ee Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka General Odawaa Yuusuf Raage oo Caabud-waaq Ku sugan ayaa kormeer Ku tagay Xerada Gaaska 11-aad ee Guutada 35-aad ee ciidanka xoogga dalka oo ka mid ah Xeryihii Ilaalinta Xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya oo haatan dib u habeyn lagu wado si markale ay kaga mid noqoto xeryaha Ciidanka Xoogga Dalka .

Kormeerkaan waxaa ku wehliyay Taliyaha Xoogga saraakiil ka tirsan qaybaha 21-aad iyo 27-aad ee ciidanka xoogga dalka sida Genaral Saalax yacquub oo ah Abaanduulaha qaybta 27-aad iyo Gaashaanle Aadan Siyaad Cabdi Abaanduulaha Qaybta 21-aad.

“Waxaan ku bogaadinayaa saraakiisha ciidanka xoogga qeybta 21 iyo guud ahaan shacab weynaha cabud-waaq sida ay isugu xilqaameen dib udhiskaan xaruntaan oo ah mid ahmiyad balaaran ugu fadhisa dalka iyo dadka Soomaaliyeed maadaama ay ku taallo xadka dalkeynu uu la wadaago wadanka itoobiya “Ayuu yiri taliyaha xoogga Generaal Odowaa yuusuf Raage.