Gudoomiyaha G/Banaadir oo ku baxay xalinta dagaal ka dhacday Xaafada Cara-Guduud ee degmada Deyniile.

Muqdisho:-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa manta ku baxay xalinta shaqaaqo dagaal oo ka dhacday Xaafada Cara-Guduud ee degmada Deyniile.


Shaqaaqadaas oo dagaal fool foolka ah isku badashay waxay u dhexeysey Ciidamada Degmada Deyniile iyo dabley hubeysan oo ay Maamulka degmadu ku sheegeen inay dhul-boob samayeen.

Duqa Magaalada Muqdisho oo ay wehliyaan ku-xigeenadiisa ayaa kormeeray goobta uu ka dhacay dagaalka, waxa uuna sheegay in si deg deg ah loola xisaabtami doono cidkasta oo ku xad gudubta sharciga.