Shir uga socda Muqdisho Guddiga Joogtada ee labada aqal ee Baarlamanka.

Guddiga Joogtada Labada Aqal ee Baarlamanka Federalka Jamhuuriyadda Federalka Soomaliya ayaa Kulan ugu furmay Xarunta Golaha Iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa.

Guddoomiyaasha labada aqalka ayaa guddoominaya shirka ka socda xarunta villa Hargeysa, iyadoona qodobo dhowr ah looga hadlayo.

Arimaha kulanka looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah xilliga rasmiga ee La furayo baarlamanka Soomaaliya, iyo xilliga loo yeerayo Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka Qaranka, Si Loogu dhagaysto Warbixinta Doorshooyinka Dalka.

Guddiga ayaa la filayaa inay go’aaminyaan Furitaanka Kalfadhiga Baarlamaanka.

Dhanka kale saacadaha soo aadan ayaa lagu wadaa in guddiga ay rasmi ah u shaaciyaan waxyaabaha ugu muhiimsanaa ay diirada ku saareen kulankooda.