Ninkii Muslimka ahaa ee reer galbeedka 1,000 sano uga horreeyay aragtida seynis ee noolaha.

Seynisyahankii u dhashay Britain ee lagu magacaabi jiray Charles Darwin wuxuu helay aragtida seynis ee ku saabsan noolaha adduunka, fikraddiisiina waxay ka mid tahay kuwa uu maanta ku tiirsan yahay seyniska casriga ah.

Laga soo billaabo muddo dheer ka hor waa la sii hormarinayay aragtiyaha ku qotoma asalka nolosha dadka iyo xayawaannada adduunka.

Buug uu Darwin qoray sanadkii 1859-kii ayuu ku qeexay aragtidiisa dhinaca seyniska ee abuurka noolaha, wuxuuna sheegay “inuu muuqaalka noolaha marba marka ka dambeysa isbaddalayay”, isagoo faahfaahiyay sida ay u kala duwanaadeen nooleyaasha kasoo farcama hal noole.

Laakiin waxay u muuqataa in taariikhda seyniska noolaha ay qudheeda leedahay awoowe ay kasoo farcantay, markii la eego dunida Islaamka.

Xulashada dabiiciga ah

Qiyaastii 1000 sano ka hor markii uu fikraddiisa soo bandhigay Charles Darwin, waxaa jiray seynisyahan Muslim ahaa oo ku noolaa dalka Ciraaq, kaasoo lagu magacaabi jiray al-Jahiz.

Wuxuu xilligaas buug ka qoray sida uu muuqaalka noolaha isu baddalayay, habkaas oo uu ku magacaabay ‘xulasho dabiici ah’.

Magaciisa dhabta ah wuxuu ahaa Abu Usman Amr Bahr Alkanani al-Basri, laakiin taariikhdu waxay ku xasuusataa naaneystiisii ahayd al-Jahiz, oo micnaheedu yahay qof ay indhihiisu u muuqdaan kuwo soo bixi raba.

Dalka Qadar waxaa astaamaha shaabadda ee warqadaha boostada lagu muujiyay sawirka al-Jahiz

Dalka Qadar waxaa astaamaha shaabadda ee warqadaha boostada lagu muujiyay sawirka al-Jahiz

Ma aha magac qurux badan oo qof lagu naaneyso, laakiin al-Jahiz caannimadiisa waxay ku nooshahay buuggiisii cajiibka ahaa oo uu ku magacaabay Kitaab al-Xayawaan (Buugga Xayawaannada).

Wuxuu magaalada Basra – oo ku taalla koonfurta Ciraaq – ku dhashay sanadku markuu ahaa AD776.

Xilligii uu dhashay waxay ahayd markii Ciraaq iyo meelaha u dhow dhow ay kasoo ifbaxeen fikrado loogu kuurgalayay cilmiga ku saabsan nolosha bani’aadanka.

Waxay ahayd markii uu heerka sare taagnaa xukunkii cabaasiyiinta. Erayo cilmiyeed oo laga soo turjumay luuqadda Giriigga ayaa laga dhigay Carabi, waxaana magaalada Basra ka billowday doodo waaweyn oo salka ku hayay dhinacyada diinta, seyniska iyo taariikhda.

Taasi waxay arrimo badan u bidhaamisay al-Jahiz, oo markii dambe la yimid fikrado isku toosan.

Xoogaa kadib Shiinaha ayaa ganacsiga warqadaha gaarsiiyay Ciraaq, waxayna arrintaas sii xoojisay sii faafinta fikradaha seyniska, al-Jahiz oo da’ yaraana wuxuu durba billaabay inuu qoro mowduucyo kala duwan.

Waxyaabihii uu daneynayay waxaa ka mid ahaa culuumta seyniska, juqraafiga iyo naxwaha carabiga.

Waxaa la rumeysan yahay inuu soo saaray 200 oo buug intii uu noolaa, laakiin saddex meelood meel ka mid ah kaliya ayaa ka badbaaday buugaagtiisii, oo ilaa hadda nasoo gaaray.

A portrait of Charles Darwin

Markii uu Charles Darwin geeriyooday sanadkii 1882, Britain waxay ku sharaftay in lagu aaso qabuuraha Westminster Abbey, halkaasoo ay ku aasan yihiin dadkii caanka ahaa ee qaranka soo maray

Buugga Xayawaannada

Buuggan oo noqday shaqadii ugu caansaneyd ee uu qabtay al-Jahiz, wuxuu uga sheekeeyay nolosha ilaa 350 xayawaan, kuwaasoo uu waliba ku qeexay fikrado seynis oo toos u taabanaya fikradihii uu markii dambe shaaca ka qaaday Darwin.

“Xayawaannadu waxay dhibaato badan ka maraan sidii ay usii noolaan lahaayeen, gaar ahaan in ay ka badbaadaan inay xayawaanno kale cunto u noqdaan, sidoo kalena ay helaan wax ay quutaan,” sidaas ayuu al-Jahiz ku qoray buuggiisa.

Waxaa kale oo uu ku yiri: “Arrimo dhinaca deegaanka la xiriira ayaa nooleyaasha u horseeda inay yeeshaan xeelado ay ku xaqiijinayaan sidii ay usii noolaan lahaayeen, kuwaasoo marka dambe waji kale usii yeelaya.”

Wuu sii waday, oo wuxuu yiri, “Xayawananada ka badbaada in la cuno waxay guulo kasii gaaraan dabeecadaha iyo xeeladaha cusud ee ay ku yeeshaan duruufta awgeed.”

Wax caad ah kama saarneyn al-Jahiz in nooleyaasha adduunka ay mar walba si joogto ah ugu jireen hardan ay ku doonayaan sidii ay muddo kale usii noolaan lahaayeen.

Bogga jaldiga hore ah ee wargeys Faransiiska kasoo baxay, La Petite Lune sanadkii 1871

Wargeys Faransiis ah ayaa Darwin kasoo xigtay fikrad ku saabsan in bani’aadanka iyo daanyeerrada ay kasoo farcameen hal awoowe

Fikradaha al-Jahiz waxay saameyn ku yeesheen seynisyahanno kale oo Muslimiin ah, kuwaasoo isaga ka dambeeyay.

Waxaa howsahiisii sii tixraacay seynisyahannada kala ah al-Farabi, al-Arabi, al-Biruni iyo Ibn Khaldun.

Muhammad Iqbal, oo ahaa aqoonyahan u dhashay dalka Pakistan, magaciisa sida weyn loogu yaqaannana uu yahay Allama Iqbal, ayaa buugaag uu qoray sanadkii 1930-kii ku faahfaahiyay shaqadii muhiimka ahayd ee uu qabtay al-Jahiz.

Wuxuu sheegay “in al-Jahiz uu ahaa qofkii ugu horreeyay ee tooshka ku ifiyay xaqiiqda ku saabsan in bani’aadanka iyo nooleyaasha kale uu muuqaalkooda isu baddalo hadba sida ay isu baddalaan deegaannada ay ku nool yihiin”.

“Aragtida Mohammedan”Darwin wuxuu gartay in shimbiraha ay afkooda kala duwan yihiin

Sida ay muslimiintu uga qeyb qaataan aragtiyaha seynis ee la xiriira abuurka noolaha wax qarsoon kama ahayn Yurub qarnigii 19-aad.

Xaqiiqdii, seynisyahankii ay isku waqtiga noolaayeen Charles Darwin, ee isagana lagu magacaabi jiray William Draper, ayaa sanadkii 1878-kii ka hadlay “aragtida seyniska noolaha ee Mohammedan.”

Hase yeeshee wax caddeyn ah looma hayo in Darwin uu aragtiyihiisa kasoo minguuriyay al-Jahiz, iyo inuu xitaa fahmi jiray luuqadda Carabiga.

Xigasho:BBCSomali