Kiisaska Covid-19 ee Caalamka oo gaaray 5.5 Milyan iyo sida ay u kala sareeyaan Qaaradaha.

Maalin waliba waxaa la diiwaangeliyaa kiisas cusub, dhimasho iyo dadka ka caafimaaday Cudurka Coronavirus guud ahaan Caalamka, saacadaha qaar waxaa kala bara Dhimashada iyo dadka caafimaaday.

Ol-ole caalami ah oo looga daba-tagayo cudurka ayaa ka socda guud ahaan Caalamka, maadaama aan horay looga sii feejigneen halista iyo faafitaanka fayruska Covid-19 oo kasoo shaacbaxay Dalka Shiinaha.

Fayruska ayaa isaga kala gudbay dalalka kala duwan adduunka, waxyeelada ugu badan waxa uu gaarsiiyay dadka kunool dalalka ku hormaray dhaqaalaha, Caafimaadka iyo teknoolajiyadda Casri ah.

Dhammaan waxyaabaha hormarka muuqda ee ka dhex tilmaamay wadamada kale ee Caalamka kama aysan baajin xaaladaha cudurka, dhimashada iyo dadka ka caafimaadaya, waxaa si maalinle ah looga diiwaangeliyaa kiisas horleh.

Guud ahaan adduunka xannuunka Coronavirus waxa uu gaaray 5,502,512 (Shan Milyan, Shan boqol iyo labo kun, shan boqol, toban iyo labo), halka ay dhinteen 346,761 (Saddex Boqol, afartan iyo lex kun, todobo boqol, lexdan iyo koow) waxaana ka caafimaaday 2,302,447 (Labo milyan, saddex boqol iyo labo kun, afar boqol, afartan iyo todobo).

Mareykanka ayaa kaalinta koowaad ee kala sareynta 213-ka dal ee laga helay Coronavirus ku jira, waxaana booska labaad ee ku xiga soo galay dalka Brazil oo si xawaare sare ugu faafay Gobolada dalkaas.

Qaaradda Ameerika ayaa ugu badan kiisaska cudurka oo waxaa laga helay guud ahaan dalalka ku yaalla Qaaraddaas, Waqooyiga Ameerika waxaa ka diiwaangashan 1,880,853 (Hal Malyan, Siddeed boqol iyo siddeetan kun, siddeed boqol, konton iyo saddex), 114,394 (Boqol iyo toban iyo afar kun, saddex boqol, sagaashan iyo afar) iyo dadka ka caafimaaday oo ah 562,629 (Shan boqol, lexdan iyo labo kun, lex boqol, labaatan iyo sagaal).

Halka Koofurta Ameerika laga helay 633,783 (Lex boqol, soddon iyo saddex kun, Todobo boqol, siddeetan iyo saddex), Dhimashu waxa ay gaartay 31,512 (Soddon iyo kow kun, shan boqol iyo labo iyo toban kun), waxaana ka caafimaaday 242,207 (Labo boqol, afartan iyo labo kun, labo boqol iyo todobo).

Yurub waxaa laga helay fayruska xaalado gaaraya 1,901,764 (Hal Malyan, sagaal boqol iyo koow kun, todobo boqol, lexdan iyo afar), waxaa u dhimatay 169,849 (Boqol, lexdan iyo sagaal kun, siddeed boqol, afartan iyo sagaal) iyada oo ay ka caafimaadeen 882,628 (Siddeed boqol, siddeetan iyo labo kun, lex boqol, labaatan iyo siddeed).

Qaaradda Aasiya waxaa laga diiwaangeliyay cudurka 962,818 (Sagaal boqol, lexdan iyo labo kun, siddeed boqol iyo toban siddeed), waxaa u geeriyootay 27,493 (Labaatan iyo todobo kun, afar boqol, sagaashan saddex, waxaana ka caafimaaday 559,938 (Shan boqol, konton iyo sagaal kun, sagaal boqol, soddon iyo siddeed).

Afrika waxaa laga helay xannuunka Covid-19 dad gaaraya 113,851 (Boqol, toban iyo saddex kun, siddeed boqol, konton iyo koow), waxaa qaaradda cudurka ugu dhimatay 3,375 (Saddex kun, saddex boqol, todobaatan iyo shan), waxaa ka bogsatay 46,306 (Afartan iyo lex kun, saddex boqol iyo lex).

Oceania oo ka kooban 6-wadan waxaa ka diiwaangashay xaalado gaaraya 8,722 (Siddeed kun, todobo boqol, labaatan iyo labo), dhimashadu waa 123 (Boqol, labaatan iyo saddex), halka cudurka ay ka caafimaadeen 8,088 (Siddeed kun, Siddeetan iyo siddeed).