Kalfadhiga Baarlamaanka Soomaaliya oo la shaaciyay Waqtiga uu dib u furmayo.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh C/Raxmaan ayaa sheegay in 6-da bisha juun si wada jir ah loo furi doono kalfadhiga 7aad ee baarlamaanka Soomaaliya halka 27ka bisha Juun la dhageysan doona warbixinta guddiga doorashooyinka qaranka.

Muddo bil ah ayaa dib loo dhigay dhageysiga warbixinta guddiga doorashooyinka qaranka maadaama 27ka bishaan ay ahayd ballanta.

Dhanka kale Kalfadhiga 7aad ayaa baarlamaanka Soomnaaliya waxaa horyaalla shuruuc dhowr ah, kuwaasi oo u baahan meel marin, si markaa kaddib loogu soo saaro faafinta rasmiga ah ee dowladda.