Ilhaan Cumar oo Gaartay Guul Siyaasadeed, kuna guulaysatay kursiga ay ku matasho Xisbigeeda.

Waxaa soo idlaaday codbixinta isreeb-reebka Xisbiga Dimuqraadiga Mareykanka oo ku saabsaneen kursiga ay ku matasho Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ah Gabar ka dhex muuqata siyaasadda dalkaas.

Codbixinta ayaa loo qabtay hab Online ah, maadaama dalkaas uu saameyn taban ku yeeshay fayruska Corona, isla markaana dadka loo diiday in ay isugu tagaan goobaha kulankooda ah sabab la xiriirta cabsida faafitaanka Covid-19.

Ilhaan Cumar ayaa ku guulaysatay wareegga koobaad ee codbixinta isreereebka uu xisbigeeda ku xulanayo musharraxa degmada 5-aad ee kursiga ay hadda ku fadhido kuna matalayao doorashada Congress-ka ee lagu wado in ay dhacdo bisha November ee sanadkaan 2020-ka.

Codbixinta ayaa socotay sagaal cishe, waxaana lagu cod dhiibanayay qaabka Online-ka oo ay dadka codkoodu ku shubayeen bar gaar ah oo loogu talagalay in lagu kala reebo xubnaha ku loolamaya kursigaan.

Ilhaan ayaa tartanka kaga guuleystay Antone Melton oo ahaa nin madow ah isla markaana si wayn u dhaliilayay waxqabadkeeda intii ay xilka haysay, balse waa ay ka cod badisay kadib markii ay heshay 65.5%, halka uu isagana helay 30.9%.

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa cagta cagta u saartay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dalalka uu xulufeysanayo, waxaana marar badan ay hawada isku mariyeen hadalo kul-kulul oo ay ka falceliyeen xubno kale ee labada Xisbi.

Ilhaan waa Gabadhii ugu horeysay ee oo Madax daboolan oo gashay Aqalka Congress-ka Mareykanka, waana Marwo aftanad ah oo soo jiidatay dhammaan Codbixiyaasha iyo taageerayaasha Xisbigeeda.

Ilhaan Cumar waa 37 sano jir taariikh ka sameysay dalka Mareykanka, waana qofkii ugu horeeyay oo Soomaali Mareykan ah oo dalkaas ka qabta Xil heerkaan gaarsiisan.

Haweeneydaan ayaa Soomaaliya ka tagtay waqtigii dagaalka sokeeyay ee Beelaha dalka uu ku jiray, 4-Sano ayay ku nooleed Xerada Qaxootiga Dhadhaab, Mareykanka waxa ay tagtay iyada oo jirta Siddeed sano, kaalin firfircoon ayay ka qaadatay sidii ay isugu muujin lahayd siyaasadda dalkaas oo hamigeedu ahaa.

Mareykanka waxaa dhammaadka sanadkaan ka dhaceysa doorashada dalkaas, waxaana sii idlaanaya Madaxweynaha dalkaas Donald Trump oo ah Nin Ganacsade ah oo waji kale u yeelay siyaasadda wadankaas.