Diyaarado xalay Duqeeyay Fariisimo Al-Shabaab ku sugnaayeen iyo Saraakiil Shabaab oo Duqayntaasi lagu dilay.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya diyaarado dagaal oo duqeymo ka fuliyay deegaano ka kala tirsan Gobolada Bay, Shabeelada Hoose iyo Degmada Jamaame Gobolka Jubbada Hoose.

Deegaanka Kuunya_Barow ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa la soo warinayaa in diyaarado dagaal ay duqeymo la beegsadeen saraakiil iyo Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan gobolkaasi, kaasi oo magaciisa lagu sheegey Abuu Mucaad.

Wararku waxay sheegayaan in deegaanka Buula fulaay oo ka tirsan Gobolka Bay ay ka dhaceen duqeymo xoogan, kuwaaasi oo lala beegsaday saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, Xilli ay safar dhulka ah ku jireen, kuwaasi oo ka baxay deegaanka Buula- Fulaay.

Dhanka kale degmada Jamaame oo ka tirsan gobolka J/Hoose ayaa lagu soo waramayaa in duqeyn lala eegtay saldhiga ay Al-Shabaab ku leeyihiin degmadaasi, iyadoona la bartilmaameedsaday saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan militariga Soomaaliya ayaa sheegay in duqeyn kale oo sedexaad xalay ay ka dhacay deegaanka Haway oo dhaca Gobolka Sh/ Hoose, waxaana duqeyntaasi lagu dilay saraakiil sare sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Dhanka kale Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa mudooyinkii dambe waxaa ay la kulmayaan duqeymo culus, iyadoona ay xusid mudan tahay in deegaano hor leh ay ka baxeen Al-Shabaab, kadib markii diyaaradaha aan duuliya laheyn ay duqeymaha la beegsadeen