Ciidamada Booliiska Deg. Howlwadaa oo toogtay rag dhac ka geysanayey Muqdisho.

Muqdisho:-Ciidamada Booliska degmada Howlwadag ee Gobolka Banaadir ayaa xalay degmadaas ku toogtay laba nin oo sida la sheegay dadka shacabka ah dhac u geysanayey.

Sarkaal ka tirsan ciidanka fuliyay howlgalkaas ayaa sheegay in ragaas mid ka mid ah toogteen, halka kan kelana ay dhaawac ku qabteen.

“labadaas nin ay xaafado ka tirsan degmada Howlwadaag waxay dadka uga furanayeen taleefanada iyo waxyabo kale, waxayna ragaasi wateen dareyska ciidamada dowladda iyo laba qori” ayuu yiri Sarkaalkaasi.

Dhanka kale midkii dhaawaca ahaa ayuu sheegay salkaalkan inay gacanta ku hayaan, halka kii kale meydkiisa loo qaaday xarunta dembi baarista booliska Soomaaliya ee CID-da.