Al-Shabaab oo weerar ku qaaday Saldhig Ciidamada Jubaland ku leeyihiin Dhoobley.

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada maamulka Jubbaland ku leeyihiin Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose.

Weerarka ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa muddo socday, iyadoona weerarka uu si gaar ah kaga dhacay saldhig tababar uu uga socday ciidamada Jubbaland.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in saldhiga la weeraray uu tababar uga socday in ka badan 300 oo askari oo aan hubeysneyn, kana tirsanaa Ciidamada Darawaaiishta maamulka Jubbaland.

Dadka ka ag dhow Deegaankaasi ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkaasoo aan la xaqiijin karin.

Laamaha ammaanka ee degmada Dhoobley ayaa sheegay in weerarka ay iska caabiyeen, islamarkaana ay khasaaro gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Dhanka kale Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in saakay ay ciidamada ammaanka ay baaritaano ka wadaan duleedka degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose.