Sheekh Maxamed Shaakir “Dadka reer Galmudug waa inay dhulkooda ka xoreystaan Al-Shabaab, amnigoodana..”

Nairobi:-Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah ururka Al-Shabaab, isagoo umadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay u midoobaan galaaka lagula jiro kooxdan.

Sheekh Maxamed Shaakir oo ka mid ah hoggaanka culima udiinka Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa si gaar ah dad reer Galmudug ugu booriyey inay dhulkooda ka xoreystaan Al-Shabaab, amnigoodana ku fara adeygaan.

Waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay dhibaato culus ku hayaan guud ahaan Soomaaliya iyo dalal kale oo caalamka ah, isagoo carabka ku adkeeyay inay ragaadiyeen horumarka iyo nabadii guud ahaan gobolka.

Ahlu-Sunna oo gobollada dhexe intooda badan 10-sano ka hor ka xoreysan ururka Al-Shabaab ayuu hoggaankeeda ka mid yahay Sheekh Maxamed Shaakir, sidoo kale maamulkii kan ka horeeyay ee Galmudug ayuu kasoo noqday madaxa xukuumadda.

Hase yeeshee haatan ayuu dibad-joog ka yahay maamulka Galmudug, kadib markii khilaaf heerkiisu gaaray gacan ka hadal uu dhex maray maamulka madaxweyne Qoor Qoor iyo hoggaanka Ahlu-Sunna, intaas wixii ka dambeeyana waxa uu ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.