Danjire Madeira “Anigoo ku hadlaya magaca Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM)..”

Muqdisho:-Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira, wuxuu u rajeynayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed munaasabadda Ciidul-Fidriga.

Danjire Madeira ayaa yiri “Anigoo ku hadlaya magaca Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan muslimiinta Soomaaliya, markay dhammeeyeen bisha barakaysan ee Ramadaan”, ayuu yiri Danjire Madeira.

“Bisha Barakeysan ee Ramadaan waa waqti lagu fikiro waxbarista Islaamka lana xoojiyo wanaagga wadaagga, is cafinta iyo is-wax-u-samaynta. Maaddaama aan u nimid dhammaadka bisha Ramadaan, aan u isticmaalno fursaddan si aan u cusbooneysiino go’aankeenna ku aaddan Soomaaliya nabad iyo barwaaqo leh iyo inaan is xusuusino mas’uuliyadda aan iska leennahay midkeenna iyo Ilaaha Qaadirka ah, ”ayuu yiri Danjire Madeira.

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ayaa sheegay in xuska sannad-guurada Ciidul Fitriga uu yimid xilli ay jiraan masiibada adduunka ee COVID-19 wuxuuna ugu yeeray muslimiinta ku nool Soomaaliya in ay sii wadaan ilaalintooda iyaga oo raacaya tilmaamaha caafimaadka bulshada lagana fogaado faafitaanka cudurka.

“Sidaad u dabaaldegayso Ciidul Fitriga, waxaan idinka codsanayaa inaad ilaashadaan horumarka uu waddankiinnu ka sameeyay soo kabashada dhaqaalaha, siyaasadaha loo dhan yahay, iyo amniga iyada oo la adeegsanayo argaggixisannimada, kor u qaadista wadahadalka iyo dib-u-heshiisiinta, dhismaha dowlad-dhiska, dib-u-dhiska iyo soo kabashada,” ayuu yidhi.

Danjire Madeira wuxuu mar kale ku celiyey sida ay AMISOM uga go’antahay la shaqeynta shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay ku dadaalayaan sidii loo soo afjari lahaa dagaalka, nabad loo soo celin lahaa loona horumarin lahaa dalka.