Ciidamada Kenya oo dad shacab ah ka afduubtay gobolka Gedo duqaymana ka geystay.

Warar ay heshay KNN ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Kenya ee ku sugan gobolka Gedo ayaa waxay duqayn ka gaysteen gobolkaasi.

Diyaaradaha Kenya ayaa duqeeyay dad shacab ah isla markaasina aan waxba galabsan, oo ahaa xoolo dhaqato reer miyi ah, sida ay nooga warameen dadka deegaanka ee gobolkaasi.

Ciidamada Kenya ayaa dad shacab ah ka watay deegaan hoos yimaada gobolka Gedo, iyagoo la aaday dhanka xuduuda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inaysan garaneyn sababta ka dambeysa arrintan, iyagoo imtaa ku daray inaysan ka war qabin xaalada labadan ruux ee shacabka ah ee ay kaxaysteen, iyagoo tan ku tilaamay inay qayb ka tahay, dhibaatooyinka ay ciidamada Kenya ku hayaan shacabka reer Gedo.

Waxaa maalmihii ugu dambeeyay gobolkaasi ka socotay Duqay isdaba joog ahayd, iyadoo Ciidamada Kenya ay duqayntaasi la beegsanayaanDadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaankaasi.

Dhanka kale Dawlada Soomaaliya ayaan weli wax war ah ka soo saarin duqaymahan ay ciidamada Kenya la bartilmaameedsanayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gobolka Gedo.