War Deg Deg ah:-Guddoomiyaha Ururka Haweenka Degmada Diinsoor oo Qarax Miino lagu Dilay.

Warar aan dhawaab helnay ayaa sheegaya in Guddoomiyihii Ururka Haweenka Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay lagu dilay qarax dhawaan ka dhacay Degmadaasi.

Qaraxaan ayaa ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meela fog-fog ayaa waxaa uu ka dhacay Albaabka hore ee Guriga Guddoomiyaha Ururka Haweenka Diinsoor, waxaana lala eegtay xili ay ku sugneyd Albaabka hore ee gurigeeda.

Baarliin Haaji Buille ayaa lagu magacaabi jiray Guddoomiyihii Uururka Haweenka Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay, waxaana geerideeda xaqiijiyay Saraakiil ka tirsan laamaha amniga degmadaasi.

Dhanka kale qaraxaa ayaa waxaa ku dhaawacmay saddex Caruur ah oo la tilmaamay inay wax u aheyd Baarliin Haaji, kuwaasi oo si Degdeg ah loogula cararay Xarun Caafimaad si looga daaweeyo waxyeelada kasoo gaartay qaraxa.