Madaxweyne Deni “Waxaan qabnaa Tuhun badan oo ku aadan in Al-Shabaab ay noqdeen gacmo la iska adeegsado..”

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Puntland ay qabto tuhun ku aadan in Al-Shabaab ay adeegsanayaan gacmo doonaya in ay burburiyaan hanaanka dowladnimadda maamulka Puntland.

Madaxweyne Deni waxaa uu walaac ka muujiyay Dilkii Al-Shabaab ay u geysteen Saddex Gudoomiye gobol oo kala ahaa Banaadir, Nugaal iyo Mudug, waxaana uu sheegay in ay qabaan tuhuno ku aadan in ay jiraan dad adeegsanaya Al-Shabaab.

Waxaa uu tusaale u soo qaatay Warar ay horay u qoreen qaar ka mid ah Warbaahinta Caalamka ee loolanka dalalka Carabta qaarkood ay ku jiraan Soomaaliya in ay qeyb ka noqon karto adeegsiga Al-Shabaab.

“Waxaan qabnaa Tuhun badan oo ku aadan in Al-Shabaab ay noqdeen gacmo la iska adeegsado, gacmo kale iyo dano ayaa loo adeegsanaya sidda horay Jariidadaha Caalamka u sheegeen in Muddo ka yar labo bilood la beegsado labo Gudoomiye gobol oo Puntland ah tuhun ayaan ka qabnaa baaritaanana waan wadnaa” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Dhanka kale Muddo ka yar 2 bilood ayaa Qaraxyo ismiidaamin ah lagu dilay Gudoomiyeyaasha gobolada Mudug iyo Nugaal, waxaana Mas’uuliyada dilka sheegtay Al-Shabaab.