Madxweyne Deni oo ka qeyb galay Dood looga hadlayay doorashada Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay kulanka 4-aad ee Doodaha looga hadlayo habka ugu wanaagsan ee Soomaaliya uga gudbi karto marxalada kala guurka.

Kulanka ayaa , waxaa ka qeybgalay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame, Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynihii hore Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole, Senator Cabdirisaaq Juurile, Xildhibaanad Sacdiya Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Soomaaliya, Xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Siyaasiyiin hore xilal uga soo qabtay Puntland iyo Soomaaliyaba, Ururada Bulshada, Haween iyo Dhallinyaro.

Waxaa kulanka looga dooday hanaanka Doorasho ee Soomaaliya ka qabsoomi kara, Iyadoo lagu saleynayo caqabadaha iyo fursadaha jira, Doodaha noocan oo kale ah ayaana sii socon doona illaa ugu dambeyn ay ka soo baxdo aragtida Puntland ee nooca Doorasho ee dalka ka dhici karta.