Muwaadiniin Somali Asala ah in Xil loo dhiibo ma diidanin, Laakin waxaa dhibaato ah…=Nasashada Jimcaha.Q-201aad=

1-Wiil yar ayaa Aabihii weydiiyay, Aabe maxey ku kala duwan yihiin Police-ka hor fadhiyo Saldhigga Booliska iyo kuwa Hor fadhiyo Wasaaradaha?. Aabihii ayaa yiri: Mid waxa uu ilaaliyaa Tuugada sharafta leh, midka kalena waxa uu ilaaliyaa Tuugada aan la sharfin. ( F.S: 1, 2 & 3aad)

( Police-ka Laftiisa ayaaba la wareeriyay, waxa wareeriyay “Trans officials” ,Saraakiil Gudbaya, Mid Asluub ahaa oo u soo Dhar bedeshay, Garaadihii Cagaarna ee Asluubta una bedeshay –Buluugga Police-ka. mid Milatari ahaa oo Casaankii u bedelay Buluug, Shibil Midab laawe ahaa oo Garaado Buluug ka bilaabay. Waajibkiina uu u batay Tuugada yaan la taaban)

2- Wiil Faqri ahaa ayaa Gabar uu jeclaa waxaa ka shukaansaday Mid Caataa oo ka dhasahay Reero Hanti leh. Kii Faqiirka ahaa oo Cawo qarsanayo, ayaa Gabdhii ku yiri: Nin Caataa in aad shukaansato ma xumo. Laakin waxaa dhibaato jirtaa, marka uu Xabadkaaga ku seexdo, ee Jirkaaga ey ku sawiranto calaamadda Kabaha ADIDAS. ( F.S: 4 & 5aad)

( Muwaadiniin Somali Asala ah in Xil loo dhiibo ma diidanin, Laakin waxaa dhibaato ah waxa Jirka ku sawirmayo Haddii):

a)Haddii Koroone soo kordheey- Kaliforniyuu kala kudaan.

b)Haddii Wabi karaar Jabsheey- Kisteena kala keeysadaan.

c)Haddii Kaluunku noo kobceey- Kuuriya ula sii kudaan.

d) Kuwa soo koraayo Keyd u reeb-kasya kitaabba kuma taal.

e) kun keyd shidaala kurbadood – koob kafeeyahowga Roon.

f) Korweyne ilma korsahaa-Kireyso ha kaalmiyee.

3-Gabar aad u Fool xumeed Laakin Waalidkeed ey ula bexeen Magaca Dollar. Ayaa Arday Dhaqaalaha Barto waxa uu ku yiri: Magacaa?. Waxa ey Tiri: Dollar. Waxa uu yiri: Malaha Dollarka ayaa la qiima Ridayaa ,si Shillinkeena Qiimihiisu kor ugu kaco.

( Nin ayaa la weeydiiyay, Adigu maxaad qabataa? Waxa uu yiri: waxaan ahay Xildhibaan Qaran oo Matala Somali land Dee, Maantana waxaan u socdaa Kalfadhigii, si aan uga doodno Go’aankii Badda ICJ?. Waxa lagu yiri: ICJ maxaa la yiraa? . waxa uu yiri: Dee Garan maayo. Waxaa la yiri: Sideed ku matashaa Somali land? waxa uu yiri: Adeeroow, maba tagi karayo Somaliland. Dee Aniga oo hurdo Gurigeeyga Degmada Hodon -Xaafadda Kasa bobolaare, umba la iguna yiri: War Qaadkaaga ayaa meel la saarayaa, oo Siyaasibaa lagaa dhigaya, Malaha Somali landibaa la qiima tirayaa, Anigna Dee Sallariga baa la ii kordhinayaa. “Ar Maxaa Dalka Guud ahaan, iyo Dadka dega waqooyiga Dembi laga galay” Ma iyagaa soo Xushay Xildhibaanka?)

4- Nin ayaa kala qabtay Laba Nin oo is dagaalayo. Waxa uu weeydiiyay, Maxaad isku dagaaleeysaan? . Mid ayaa yiri: Allaah ayaa ka baryay in aan Caawaba iska dhinto, Nolosha Dunikan ayaan dhibsaday. Ninkanina waxa uu i leeyahay Alla kaama aqbalo. Kii kale ayaa yiri: Anigu dhimashadiisa dhib ayaa iigu jiro, Allana kama Aqbalo, Ninkani Deyn ayuu iga qabaa, waxa uuna rabaa in uu dhinto isaga oo aan i siin.

( Nin Siyaasiya oo la dhibsaday ayaa yiri: waan iska tagayaa, Nin ayaa yiri: Maya, bixi meysid, in aad sii joogto ma jecli, laakin in aad baxdo adigoon lagula xisaabtamina ma jecli )

5- Aabe ayaa Wiilkiisii ku yiri: War Hooyadaa Caawa maxey la aamusan tahay, soow tii hadaan soo daaho igu qeylin jirtay?. Wiilkii ayaa yiri: .Aabe, Anigaa khaladka iska leh, Hooyo waxa ey isku qurxineysay Ciidul Fidriga, waxa ey ii dirsadaty (Rooseeto, Lipstick kan Bushimaha lagu caseeyso. Anna waan khaldamay, waxaana u keenay “Koolo Bir – super Iron Glue”. ( F.S: 6 & 7aad)

( Haddii aad rabto inaad aragto Saxaafad Koolo Bir loo mariyay Afka, Somaliya imaad)

6- Nin Waalan ayaa Dhakhtar u tagay kuna yiri: Datoore Habeenkii ma seexdo, habeen kasta waxaan ku Riyoodaa, Daanyeero kubad Ciyaarayo. Dhakhtarkii ayaa yiri: Waxaan ku siinayaa Daawo Riyada Baabiso. Ninkii ayaa yiri: Maya Datoore Caawa waa Finale ee Habeen dambe iiga dhig. ( 8 & 9aad)

(Qof ayaa ku leh, Mucaarad iyo Muxaafad ayaan Dhibsaday, Haddii aad tiraa Labaduba hana dhaafeen, waxa uu ku leeyahay: Maya, Finaalihii ayaa dhaw ee u sug ilaa Feb. 2021)

Qore: Yahya Amir