Ganacsatada Soomaalida waa in ay ku dhiiradaan ganacsiga Warshadsha yar yar.


Seddax shey baa maanta suurtagelin karta in Soomaalidu bilaabaan ganacsiga warshadaha. Seddaxdaas shey waxey kala yihiin:

1-Tiknik : Aqoontii Tiknoloojikada caalamka ayaa aad u faaftey maanta. 30 sano ka hor aqoonta Tiknolojikada iyo Warshadaha waxey ku koobnayd Wadamada Reer Galbeedka iyo Jabaan. Maantase aqoontii wey baahdey. Shiinaha, Hindiya, Turkiya, Baraasiil, Maleysiya iyo wadamo kale oo badan ayaa noqdey wadamo leh Warshado. Warshad walba oo yar oo aad doonaysid ayaa qiimo jaban ku heli kartaa maanta.

2- Globalalisering: Dunidii ayaa maanta hal tuulo noqotey. Adiga oo gurigaada fadhiya ayaad internetka ka baari karta nooca warshad aad rabtid. Qaabka ay u shaqeyso, qiimaha, lana xiriiri kartaa shirkadii iibinaysey ama warshadii, lana heshiin kartaa. Xitaa adiga oo aan dhoofin baa laguu soo diri karaa qalabka aad doonaysid iyo shaqaalihii farsamo yaqaanka ahaa ee warshada kuu xirxiri lahaa ama shaqaallahaada kuu tababari lahaa.

3- Soomaalidu waxey ku jiraan xilligii abid ugu hantida badnaayeen. Lacag ilaa 4.5 bilyan oo dollar ayaa dhex wareegta gudaha Soomaaliya sannadkii sida World Bank iyo Wasaarada Qorsheynta Soomaaliya ka soo xigtey. Warshad wanaagsan oo shaqeysa oo tusaale ahaan gasacadeysa Kaluunka ama Warshad yar oo cabitaanka khudaarta dalka ka soo baxda gasacadeysa waxaa lagu dhisi karaa dhowr malyan. Soomaalidu waa in ay bartaan ganacsiga wadaaga ah ee warshad ama ganacsi weyn laysla maalgashan karo. Warshadaha waaweyn ee Yurub ee gawaarida soo saara ama qalabka kale 100 kun oo qof ama ka badan baa qaarkood isla maalgashadey. Waa warshado Saamiley badan leh ( shareholders).

Seddaxda fursadood ee aan kor ku soo xusey 1- Tiknaloojiyadii oo fudud helideedii. 2- Globalalisering: Dunnidii oo isku furan maanta oo si fudud wax loo dalban karo loona kala iibsan karo. 3- Soomaalida dal iyo dibadda ku nool oo hantida iyo aqoonta ay haystaan 100 jeer ka badan sidaan ahayn 30 ama 40 sano waxey horseedi karaan in dalka maalgashano. Kuna dhiirano in Warshado kuwa yar yar ama kuwa dhaxe dalka ka hirgelino.

Qaadka oo mukhaadaraad ah baan maalintii ku soo iibsanaa lacag hal malyan dollar ku dhow ama ka badan. Haddii lacagtaas iyo kuwa kale ee aan haysano u maalgashano si cilmi iyo caqli ku dhisan, dalka bil kasta hal warshad baa laga dhisi kara oo shaqa abuur iyo horumar keenta.

Ilyas Mohamud Hussein