Sweden oo qorsheyneyso in saacadaha soo socda ay Soomaaliya kala baxdo muwaadiniinteeda.

Muqdisho:-Waxaa soo kordhaya dalalka dadkooda ka daad gureysanaya Soomaaliya sababo la xariira cudurka Corona virus oo si aad ah ugu sii faafaya dalka.

Waxaana haatan soo baxaya warar sheegaya in dowladda Sweden ay qorsheyneyso in saacadaha soo socda ay Soomaaliya kala baxdo muwaadiniinteeda.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in dowladda Sweden ay Muqdisho u soo direyso diyaarad qaas ah si ay dalkooda ugu celiso muwaadiniinta ka jooga Soomaaliya, sida Diplomaasiyiinta iyo Soomaalida kale ee dhalashada ka heysta dalkaas ee ku xayirmay Soomaaliya, kadib markii la joojiyay duullimaadyadii caalamiga ahaa.

Muwaadiniinta iyo Diplomaasiyiinta kale ee Sweden ka jooga Soomaaliya ayaa lagu wargeliyay inay u diyaar garoobaan safarkaas, in kastoo uusan jirin war rasmi ah oo ka soo baxay safaaradda ay dowladda Sweden ku leedahay Muqdisho.

Horay dowladaha Turkiga, Mareykanka iyo UK ayaa Soomaaliya ugala baxay muwaadiniintooda, kadib markii ay ku xayirmeen saameynta cudurka Coronavirus awgiis.

In kastoo caalamka intiisa kala uu kala siman yahay hadana cudurka Corona virus si xowli ah ayuu ugu sii faafaya Soomaaliya, waxaana saacadihii u dambeeyay dalka laga diiwaan geliyay 47-kii, waxayna dadkaas ku kala noolyihiin Puntland, Banaadir, Somaliland iyo Koonfur Galbeed.

Laba qof ayaa lagu sheegay warbixintii u dambeysay ee wasaaradda caafimaadka inay u geeriyoodeen xanuunkaas, halka 15 kalena ay kasoo bogsadeen.

Dhanka kale Guud ahaan Soomaaliya tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus ayaa gaaray 1,502 xaaladood, 178 qofood ayaa kasoo bogsatay, halka inta la ogyahay 59 kale ay u dhinteen.