Maamulka Somaliland oo maanta Xabsiyada ka sii deynaya Maxaabiis garaysa 365-ruux.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa cafis u fidiyay maxaabiis gaareysa 365-ruux oo u xiran dambiyo fud-fud, sababta waxa uu ku sheegay in munaasabadda 18-ka May oo ay shalay u dabaaldeggeen 30-sano guuradii ka soo wareegtay markii maamulkaas uu ku dhawaaqay gooni isu taag, balse aan helin aqoonsi.

Warqad xalay uu soo saaray Muuse Biixi wuxuu amray guddiga u xilsaaran sii deynta Maxaabiista la deynayo, maadaama lagu kala xulayo dambiyada ay galeen iyo sida ay u kala fudud yihiin.

Guddiga ayaa maanta tagaya Xabsiyada si ay ula wareegaan liisaska Magacyada Maxaabiista iyo dambiyada ay ku xiran yihiin lagu qoray si howsha sii deynta ah ee loo xilsaaray isla maantaba ay u guda galaan.

Xabsiyada dadka ugu badan ay ku jiraan waxay ku yaalaan Magaalada Hargeysa oo ah Xarunta Somaliland, waxay u kala xiran yihiin dambiyo kala duwan oo qaarkood lagu soo qabtay, loona gudbiyay xabsiyada.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay inaysan Cafiska uu saamayn ku lahayn xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeedta ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaayeen, waxaana uu soo qaatay qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud, in Cafiska uu fulinayo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud.

Madaxweyne Musue Biixi ayaa markii Soomaaliya laga helay kiisaskii ugu horeeyay Cudurka Corona virus Cafis ku sii daayay in ka badan 800-maxbuus oo u xiran dambiyo kala duwan, kuwaas oo la sii daayay muddo kadib.

Dhanka kale, Magaalada Hargeysa waxaa ku xiran Maxaabiis uu kamid yahay Cabdimaalik Muuse Coldoon, waxaana dhawaan Madaxweyne Biixi lagu eedeeyay inuu ka reebay dadkii uu cafiyay, inkasta oo aan la hubin inuu qayb ka noqonayo 365-ta Maxbuus ee la sii daynayo iyo in kale.