Guddiga kahor tagga Covid-19 oo kulan ka yeeshay dabaaldegga Ciidul Fidriga iyo ka feejignaanta fayruska.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka Guddiga Qaran ee xakameynta COVID19 oo xalay looga hadlay arrimo dhowr ah, isla markaana lagu falanqeeyay.

Kulanka waxaa ka qaybgalay Wasiirada Caafimaadka, Arrimaha diinta iyo kuwo kale, waxaana sidoo kale shirka oo ahaa mid muuqaalka tooska ah (Video Conference) ka qaybgalay Tala-bixiyaha Covid-19 Dr. Maxamed Maxamuud Cali Fuje.

Waxaa diiradda lagu saaray maalmaha ciidda iyo sida dadka ay ugu daamaashi karaan, goobaha lagu la isugu tago, kuwa lagu ooggo salaadda Ciidda, iyada oo la qaadayo Tallaabooyinka caafimaadka ee looga hortagayo faafitaanka fayruska.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay kulanka, xubnaha guddiga ayaa falanqeyn ka sameeyay qorshaha lasoo bandhigay, si bulshada ay ugu dabaaldeggaan maalmaha Ciidul Fidriga oo curadasha bisha shawaal inaga xigto wax ka yar 6-maalmood.

“Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa guddoomiyay shirka Guddiga Qaran ee xakameynta #COVID19 oo xalay  lagu soo bandhigay qorshe ay bulshadu maalmaha ciidda ugu damaashaadi karaan faxadda ,iyada oo la joogteynayo tallaabooyinka lagu xakameynayo faafitaanka Feyruska Corona sida kala fogaanshaha iyo dhammaan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah ka hor tagga safmarka” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Guddiga xakameynta Covid-19.

Bilashada Bisha Soonfur oo ah bisha 10-aad ee Taariikhda Hijriyada waxa ay ku beegan tahay horraanta todobaadka Soo socda, waxaana dadka isugu hambalyeeyaan marka Shawaal curato isla markana la xaqiijiyo Ciidda.