Xeer ilaaliyaha Qaranka “Waxaan rabaa in aan kuu sheego musuq-maasuqu xafiiskeygu wuxuu ka taagan yahay meel aad u adag..”

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr. Sulaymaan Maxamed Maxamuud oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in ay jiraan shaqsiyaad difaacaya dadka lagu hayo caddeynta musuqa ay sameeyeen ee katirsan Wasaaradaha Dowladda Soomaaliya.

Waxa uu digniin u diray dadkaas, isaga oo sheegay in haddii aysan ka joogsan cadaaladda la geynayo isla markaana laga dalbi doono Caddeymo ah waxyaabaha ay ku difaacayaan oo ay ku beeninayaan kiisaska lagu hayo dadka sameeyay Musuqa.

“Marka hore waxaan rabaa in aan kuu sheego musuq-maasuqu xafiiskeygu wuxuu ka taagan yahay meel aad u adag la dagaalanka musuqmaasuqa iyo la dagaalanka argagixasadu isku meel ayay xafiiskeena ka taagan yihiin”. ayuu yiri Dr Suleymaan Maxamed.

Waxa uu meesha ka saaray wararka sheegaya in Musuqa dhacay ee xafiiska Xeer ilaalinta gacanta ku hayo in uu la xiriiro arrimo siyaasadeed, balse waxa uu shaaciyay in ay hayaan caddeymo.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa xusay in ay jiraan shaqsiyaad difaacaya dadka ku dhacay falalka la xiriira Musuqa, kuwaas oo ka digaya in arrintaas dad dano gaar ah ka leeyihiin.

Waa uu sii hadlay waxa uuna yiri “Qof Meelahaa ka hadlaya oo dhahaya kiiska waa la siyaasadeyay iyo siyaasadbaa ku jirta waa qof iska hadlay booliisbaa jooga xeer ilaalinbaa shaqeynaysa”.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka waxaa la weydiiyay soo ifbixidda Musuqa oo la kowsaday faafidda cudurka Coronavirus, maadaama howsha ugu badan ay waddo Wasaaradda Caafimaadka iyo howlwadeenadeeda la xiray xiriirka ka dhaxeeyo.

“Kiiskaan musuqmaasuqa lagu eedaynayo wuxuu bilowday Covid-19 ka hor wuxuuna xafiisku daba socdaa wasaaradda caafimaadka hadda cadeymo adag ayaa lagu helay oo dadbaa loo xirxiray” ayuu ku warceliyay Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in uu socdo qorshe lagu dhisayo golaha garsoorka Madaxa banaan si ay u buuxiyaan kaalintooda oo muddo dheer banaan, baahina loo qabo waqtigaan sida uu hadalka u dhigay.