Taariikhdii Janaraal. Da’ud Cabdulle Xirsi oo Faah Faahsan.

Waxa laga yaaba in uu kula dheeraado qoraalku, laakin waxaan hubaa, markii aad wada aqriso in uu kula yaraa doono. Waxa ey igu qaadatay in Qoraalkaan aan soo ururiyo 18 Maalin Shaqo, oo ah Laba Sanno dhaxdood. Haddii muddo laba Sanno Gudahood ah oo aan ururinayay, ey igu qaadatay 18 Cisho, Adiguna ha ka caajisin in aad ku wada Akhriso in ka yar 18 Daqiiqo, Dhacdooyinkii la yaabka lahaa ee lagu xasuusto Noloshii Janaral Daud.

Dadkii la soo joogay lana soo shaqeeyay qaarkood ayaa igu yiri:

1- waxa uu ahaa Nin Cafis badnaa, Samir badan, Geesiya, Aamin ahaa, Runta jecel, ballana lehaa, aadna u Cibaado Badnaa dhinaca Diinta.

2- Geeridiisii kadib, waxaa lagu Magacaabay, Dugsiyo badan oo Dalka ku yaal kuwaa oo kala ahaa Hoose, Dhexe iyo Sare, Dugsiyada lagu magacaabay kuma koobna Caasimadda oo kaliya. Waxaa kale oo lagu magacaabay: Wadooyin, Xaafado, Akadeemiyo Ciidan oo Gobalada ku yaal iyo dhowr xero Ciidan, Qabuuro, koob Ciyaareed iyo Gooba kale. Sabab:

3- Markii uu geeriyooday kadib ayaa Dowladu u dirtay Guddi ka qeyb qaato Xilwareejinta Xafiiskiisa. Khaanadihii Armaajada Xafiiska, waxaa loogu tagay Documentigii Dowlada iyo Feylashii Shaqo. “ Kasa fortadii” Sanduuqiisa keydka waxaa loogu tegay 200 Sh.So. Kaliya oo ku duuban Warqad eyna ku dul qoran tahay, Asgariga hebel hala siiyo Xaaskaa ka xanuunsane,waxaa kale oo loogu tagay Kitaab Qur’aan iyo Saligii uu ku tukan jiray oo kaliya. Ma jirin wax Hanti ahaa oo Caruurtiisii ey ka dhaxleen, mana leheyn Guri iyo Gaadiid, Lacag ama Xoolo nool midna. Taas ayaan keentay in Baarlamaankii Qaranku uu ka fadhiisto Arrintaa uuna go’aamiyo in caruurtiisa Mushaarkii Aabahood qaadan jiray loo sii wado illaa ey ka qaangaarayaan, Gurigana ey sii deganaadaan mudadaa, bacdamaa eyna Guri kale leheeyn iskana bixin Karin kirada.

4- Iyada oo Maalin kadib ey Ciid tahay ayaa Xaaskiisu Caruurta u soo iibisay Dhar Ciidaad laakin aan tolneeyn, waxa ey weeysay Lacag ey ku tosho Dharka, Asgari ayaa yiri: keen waxaan geeynayaa xarunta lagu tolo Dharka Ciidamada , waa geeyay waana la soo tolay. Habeenkii markii uu yimid Jan. Daud ayey u sheegtay sheekadii, waxa uu u yeeray Asgarigii waxa uuna ku yiri: Dharkaan ku celi xaruntii lagu soo tolay, Dunta lagu tolayna ha laga fur furo, Duntaan Ciidamada ayaa iska leh, Dowladuna uguma tala galin in Dharka Caruurta Jan Daud lagu tolo. Sidoo kale mar Gaarigiisa ey Xaaskiisu Suuqa uga soo adeegatay Darawalkii waxa uu ku canaantay, Gaarigaan Dowladu waxa ey ugu tala gashay in Xooga Dalka loogu adeego ee Sharcigu ma qabo in Xaasaska Madaxdu ey Suuqa uga soo adeegtaan, Caruurtiisuna Lug ayey ku aadi jireen Isgoolka.

5- Darwalkiisii 1961-1965 . Yusuf Cabdullahi Rage , oo markii dambe gaaray G/sare Ciidanka Xooga ayaa yiri: Galabtii Baabuurkiisa isagaa wadan jiray. Darawalkana 2da duhur kadib waa fasixi jiray, Baabuur raacna waa siin jiray mar mar, kadibna Baabuurka isagaa wadan jiray, isaga oo ku leh Darawalka: Caruurtaada u tag shaqadii Dowladu waa kuu dhamaataye.

6- Habeen barkii 6 saac isaga oo dhar cad cad wata ayuu xeryaha ku soo wareegi jiray, kadibna Masjidka Sh. Muradi oo u dhawaa Guriga Dowladu dejisay ee X/jab jab ayuu tagi jiray ilaa Salaada Subaxna waa joogi jiryay si uu ugu wardiyo mana seexan jirin, mar marna Geedaha Daluugataa ee Xeebta, ayuu dhax gali jiray kuna wardi jiray, Subixiina Shaqada ayuu aadi jiray. Kitaabkiisa Qur’aankana kama tagan jirin. Afarta Xero ee Hogaanka Ciidamadu ku lahaayeen Mogadishu waa isku wada dhawaayeen Afesyooni, Raag iyo Fiyaamo, xeradii Botiko oo hadda loo yaqaan Xalane oo kaliya ayaa ka fogeyd.

7- Maalinta khamiista shirka golaha wasiirada ( R/W iyo golaha Wasiirada oo dhami waxa ey wada degenaayeen Xarunta Dowlada Hoose ee maanta loo yaqiin ( Ufficio Governo).Laba wasaaradood oo kalitya ayaa deganaa Xarunta ka banaanka, Wasaardda Cadaalada iyo tan Arrimaha Dibadda oo dhowr talaabo u jirtay. Golaha Dowladu waa xushmeeyn jireen, shirarka qaarna waa ugu yeeri jireen.

8-Dagaalkii 1964 ee Somalia iyo Ethiopia, Aaga hore ayuu ugu tagi jiray Asgartana, Timir iyo wixii kale oo ey u baahnaayeen ayuuna halkaa ugu qeybin jiray, si Xaaladooda Nololeed uu u ogaado.

9-Md.Carfaaye oo ahaa Boliska Taraafikada oo caan ka ahaa Magaalada Mogadishu, ayaa yiri: Anniga oo Howl u joogo isgooyska Waddada u dhexeyso Dugsiga Jamaal C/nasir, SYL iyo Dhagaxtuur oo aan Gaadiidka kala hagayo ayaan arkay Baabuurkii Safiirka Talyaaniga oo Calankii Talyaanigu ka babanayo, waxaan joojiyay Gaadiidkii kale oo dhan Safiirkii ayaana wadadii u fasaxay. Galabtii markii aan Xarunta Taraafikada tagay waxaan ugu tagay Bil ganaax ah oo ii qoran, ileeyn Safka aan celinayay waxaa ku jiray Jan. Daud oo Calankii Ciidamaduna ugu xiran yahay Baabuurka. Maalin kale Anniga oo isla goobtii joogo ayaan arkay Baabuurkii jan. Daud, Gaadiidkii kale ayaan hakiyay waxaana sii daayay kii Jan. daud, Galabtii waxaan xafiiska ugu tagay Bil kale oo ganaax ah oo ii taal. Kadibna waxaa i wacay, Jan. Daud, waxa uu igu yiri: Waad ogtahay in aan ahaan jiray Boolis, sharciga Tarafikadana waan aqaan. Maalintii hore Xaq aan lahaay ayaad iga qaaday oo jidku waa ii furnaa, waxaandna Xaqeygii siisay Safiirkii Talyaaniga, maantana Xaq aanan leheyn ayaad i siisay, wadada waa la iga lahaa.

10-Mushaarka Ciidamada waxaa ka soo hari jiray Lacag Jajab ah “Cents” sentiskaa oo aan Sarif leheeyn, Xisaabiyaha ayuu fari jiray, in jajabka ka haro Mushaarka ee aan Sarifka leheeyn uu Ururiyo una qeybiyo Agoonta Ciidamada.

11- Qaraabda oo ey hor socdaan Adeeradii ayaa u yimid oo ka codsaday in Ciidanka la qori doono loogu Daro Laba Qof oo Dable lagu qaato. Waxa uu ku yiri: Raadiyaha ka dhageeysta Asgar ayaa la qori doonaa, intaas ayaan ixsaan idinkugu sameynaa.

12- Waxaan maqlay in uu ka dardaarmay “ Gadaasheeyda Afar Nin ha laga ilaaliyo Hogaanka ciidanka, Laakin go’aanka waxaa leh Dowlada in ey u magacaawdo Qofkii ey la noqoto”.

13- Xeryaha ayuu ugu tagi jiray Raashinka Ciidanka ayuu dhadhamin jiray, lana cuni jiray, dhowr Cunto kariye ayaana Shaqada laga eryay. Haddii ey Asgarta cuntadu ka go’do waxa uu dhihi jiray taga “Maqaayada Diifleey” oo u dhaweyd Xeryaha Ciidamada ee uu lahaa Md. Xassan Maxamud Shuuriye oo ka mid ahaa Horseedkii SYL, inta ey cunaana Jan. Daud Mushaarkiisa ayuu ka bixin jiray.

14- Markii uu Xanuunsaday ee Caafimaadka loo qaaday, Asgarta ayuu isagu yeeray si uu ula dardaarmo, Barxaddii u dhaweyd Xeradii Ciidanka Fardooley. waxaa dhinca taagnaa Sarkaal la yiraa Xassan Gaamuur, Jan. Daud waxa uu arkay Asgari meel gadaalo fadhiyo oo aan dhageeysaneyn Dardaaranka waxa uu yiri: Asgarigaa maxaa ku dhacay?, Asgarigii ayuu si degan ku yiri: kaalay. Asgarigii ayaa dhagtiisa taabtay, Suuf ayaa ku jiray, waxa uuna yiri: Madaafiicdii aan ridayay dagaalkii ayaa dhagihii iiga dilaaceen, isla goobtii ayuu ku dalacsiiyay (waxaa jira Darajo uu bixin karo Taliyaha Ciidanku iyo mid Dowlada oo kaliya ey bixin karto) waxa uu yiri Isgool dhigo, Asgarigii ayaa yiri: waan dhigtaa hadaba , waxa uu yiri haddii aad dhameeyso, Aniguna aan Nolol ku soo noqdo toos iigu imaad, wax barasho iyo Caafimaad ayaa laguu diri doonaa. Nasiib daro Jan.Daud Nolo kuma soo noqon.

15- koox Sudan ah ayaa Dalka keentay Riwaayad ka hadlee Wadaniyada, waxa uu yiri: Riwaayadan si loo hubiyo Ciidanka oo kaliya ayaa fiirsanayo marka hore Xerada Afisyooni ayaana lagu dhigayaa, Xaasaskiina ma keeni kartaan ilaa la hubiyo Riwaayadda, Asgari aan labisneyna sooma gali karo. Xerada Maalintaa waxaa ilaalinayay koofiya Cas oo markaa tiradaooda dhanba ey aheyd 20 Asgari, waxaa madax u ahaa Xidigle Abshir kaahiye. Waxaa soo galay xeradii Nin Ciidanka ahaa oo jiisa oo laba Birood ku boodaya oo ey yaqiineen Asgartu. Taliyihii ayaa amray in la celiyo. Asgartii ayaa hor istaagtay, marba dhinac ayuu uga leexday, waan sii socday, qoray ayeey ku qabteen Jiiskii. Waxa Xerada soo galay Jan. Daud oo aqoondsady Asgarigii Jiiska ahaa, Baabuurkiisii ayuu ka soo degay, Labadii Birood ee Jiiska ayuu Gacanta ku qaaday, Jiiskiina dhushiisa ayuu ku xambaaray, ilaa uu geeyay kuraastii Hoolka Riwaaydda. Waxa uu amaray in Koofiya Castu ey ka baxaan Xerada oo ay tagaan Xerada Raag, isaga oo leh fiiriya Calanka korkiina suran, isaga ayuu u dhaawacmay, war Ninkani waxa uu ku jiisaabay difaaca Dalka isgaana nooga xaq leh.

16- Jan. Daud Qabyaalada waa necbaa waxa uuna dhihi jiray: Waxaan Aqoonsanahay hal Qabiil oo Magaciisa la yiraa Ciidan oo aan ka wada tirsanahay. waxa uu dhihi jiray Nolosheeyda waxaa iiga muhimsan tan Asgariga.

17- Mar uu tagay Gobalada waqooyi, si qarsoodi ah ayuu habeen ku galay Xero cusbeed oo Ciidan, isaga oo Dable labisan Ciidankii ayuu la casheeyay, la seexday, Subixii ayuu Safkii Rigada gadaal ka soo galay, mar kaliya ayeey Asgartii qaar ka shakiyeen ma Jan. Daudaa, mise waa Asgari u eg?, safkii ayuu ka soo baxay, Asgartii ayuu la hadlay, Saraakiishiina Galabtii ayuu balan saday si uu uga digo dayaca Xeradda.

18-Dagaalkii oo socdo ayuu Asgarta kula Dardaarmay Jiidda hore, waxa uu yiri: Dagaal Hortii ayaa la Hub sameeystaa, Wixii Hub iyo Rasaas aan idiin hayay Gacantiina ayeey ku wada jiraan , wax idiin haray ma jiraan, Asgariga ayaa dagaalo ee Qorigu ma dagaalo, Haddii Adinka oo nool Cadawgu idin soo dhaafo, wadanku waxa uu galay khatar tii ugu weyneed, Adoo Nool yaan Cadaw ku soo dhaafin, Anna waan idinla wadaagaa Safka Dagaal aad ku jirtiin, Ogoow Qof kuma Xakumo ee Sharcigaa ku xakumo.

19- Saraakiisha Sare oo soo labisan jirtay koofiyada fooda dhuuban ee Ciidamada , waa ka joojiyay isaga oo leh, marka hore aan dhisno Ciidan aan Saraakiil u noqono inta ka horeeyso Garaadihiina iyo koofida Asgariga Caadigaa aan wada qaadano.

20- Ganacsade. Geesey Goomey Cadow oo Raashinka Ciidamada Qandaraas ey ku siisay dowladu, ayaa isga oo ka soo socdo xerada Xalane watana Gaarigiisa ayaa waxaa u gacan haatiyay Asgari soo lugeynayay wadada, Gacantana ka hayo ilma yar oo uu dhalay Asgarigu, waana isaga soo gudbay. Waxaa ka daba yimid Asgarigii Jen.Daud oo Baabuurkiisii watay, hore ayuuna u soo qaaday, waxa uu Waddada uga daba yimid Ganacsade. Geesey, waxa uuna ku yiri: u naxariiso kuwa dhulka jooga si Adigana Allaah kuu naxariisanayo, haddii kale khaatumadaa kaa xumaanee.

21- Habeenkii heeganka iyo Ammaanka guud ee Magaalada, waxaa wada qaban jiray Xooga Dalka iyo Booliska waxaana isku bedeli jiray Saraakiisha labada ciidan marba qolo, habeen ayaa Sarkaalka heeganka waxaa lahaa Booliska waxa uuna ahaa: Adan kuukaay. Jan. Daud ayaa u yimid kuna yiri: Aaween Asgartii kale?, waxa uuna ku yiri: Qaar waa kuwaan, Qaar kalian shaqadii ayeey ku maqan yihiin 15 kalena waxa ey ku jiraan guriga “Afweyne”. Subaxii Adan kuukaay waxa ugu horeysay Xafiiska warqad ganaax ah, oo Jananku uu qoray. kalmadda “Afweyne” ayaa loo gaanaxay, oo uu ula jeeday naaneystii Maxamd siyaad oo markaa ahaa Taliye Xigeenkii Jan. Daud.

22- Ciidankii Curdanka ahaa 4 Sanno kadib Sannadkii 1964, waxa ey difaaceen Xuduuda Dalka oo dhan. Dadkii uu Billad Geesiga Dagaalka u codsaday isagu iskuma darin, waxaa uu ku daray Ciidanka, Dad Shacab ahaa, sida Wariye ka tirsanaa idaacada Dalka iyo Fanaanadda Caanka aheyd: Seynab Xaaji Cali Baxsan oo la siiyay Bilad Geesi Dagaal.

23-Xeryaha Ciidanku waxa ey ahaayeen: Xalane , Fiyaam, Afisyoni iyo Raag oo halka Dekada Mogadishu ey ku taal maanta. Waqtigaa, ma jirin shaqo ka sharaf badan Ciidanka oo la doorto. Laba Asgari haddii ey wadada iska lugeeynayaa, isku mar ayey talaabta qaadi jireen, Dadkuna Daawasho iyo qadarin ayeey u muujin jireen.

24- Jan.Liiqliiqato ayaa yiri: Mar mar Saraakiisheeno marka aan galeeyno Shaleemo Xamar, waxaan iska fiirin jirnay Jen. Daud, cabsina ma aheyn ee sidii waalid ayaan uga xishoon jirnay.

25- Asgarta tababarka Ciidan ka sokoow waxa uu kula talin jiray in ay dhigtaan isgoolada caadiga ah Wax barashadana ey joogteeyaan.

26- Dable. Cali Xaaji Iimaan oo ahaa Boostaalihii Taliska Ciidanka Ayaa yiri: Waxaan u xushmeey jiray sida Aabaheey, waxaana iska ilaalin jiray in aan galo wax khalad ah, waxaan wadi jiray Mooto aan Boostada Ciidamada ku geeyo xeryaha, Ciidanku waxa uu ahaa waqtigaa shaqada ugu sharafta badan ee Dowlada loo qabto ,qofkastna waxa uu ku fikiri jiray in uu Maalin noqdo Ciidan.

Maantana ka waran ayaan ku iri Cali Xaaji: Cali Xaaji wajigiisa ayaa isbedelay, Aniguna su’aalihii ayaan ka joojiyay.

27-Siduu ku guursaday Xaaskiisa Marwo: Xaawa Jamac kaarshe, waxa la igu yiri: waxa ey isku barteen Magaalada Wardheer ee Deegaanka Somali Galbeed, isaga oo Alifle ah 1946. Magaalada ayaa Masjid laga dhisayay, Odayaashii Magaalada ayaa yiri: Waxaa Dhagaxa ugu horeeyo dhigayo Nin aan weligii Macsi galin, ( Weli Deegaanada Dalka Qaar Shuruudaasi waa ka jirtaa, marka Masjid cusub la dhisayo). Dadkii ayaa waxaa ka soo dhax baxay Asgri dheer oo Madoow, Asgarta Boliska waqtigaa lama fileeyn in ey Dambigaa ka badbaadeen oo isticmaarka ayaa u dirayay Miyiga. Alifle Daud ayaa yiri: Annigaa dhigayo oo aan Xalaal iyo Xaraamba Dumar u tagin. Gabar ka mid aheyd Dadkii Magaalada ayaa “Sali “ama “Derin” Dadkii kala soo dhax baxday oo tiri: Saliga ugu horeeyo oo lagu goglayo Masjidku waa kan, Annigaan Xalaal iyo Xaarmba Rag ii tagin. Dadkii Magaalada ayaa yiri: War Labadaan maan isku mehrino, Sidaa ayaana la iskula mehriyay, waxa eyna aheyd halka Xaas ee uu guursaday.

Noloshiisa Gaarka aheyd.

28- waxa uu ku dhashay Magaalada Mareeg- Deg/Ceeldheer 1924 ama 1925tii , shaqada waxa uu ku biiray 1939 isaga oo 15 jir ama 16 jir ahaa. Waxa uu ahaa Nin Madow, Dhuuban oo Caato ah , waxoogana dheer. Sannadkii 1943 ayaa tababare ka noqday Xerada Tababatrka Booliska ee Xamar jab jab. Waxa uu ka mid ahaa 8dii Qof ee ugu horeysay ee dibada loo qaaday si loogu diyaariyo saraakill.

29- Waxa uu noqday Taliyihii ugu Da’da yaraa ee Ciidan Qaran oo bilaaw ah hogaamiya, Kuna guuleystay Dagaalkii 1964 ee lala galay Dowlad Qarniyaal soo jirtay.

30- April ,12.1960 dhowr bilood xuriyada ka hor, ayaa la faray in uu Asaasao Xooga Dalka Somaliyeed. Jan. Daud, Numbarkiisa Ciidanku waxa uu ahaa: 000B01.

31- Xeer Sharciyeedkii lagu dhisay Xooga Dalka ayaa Raisul Wasaare. Cabdulaahi Ciise ku daray in la dalacsiiyo lana siiyo Derajada Jeneral. Kadibna 1dii July 1960kii ayaa loo dalacsiiyay Darajada Janaraal –Sareeye Guuto. Waxaa lagu yiri: Eber ka bilaaw dhismo Ciidan, waxa uu qortay 2000 Asgari oo ah kuwii ugu horeysay loona yaqiin “Cali Boobaaye” . waxa kale oo jiray 511 Asgari oo ka tirsanaa Boliska oo uu yiri: Ha naloo soo wareejiyo si ey Ciidanka Cusub ugu noqdaan tababarayaal.

32- Markii uu xanuunsaday Waxa caafimaad loogu qaaday Dalka Talyaaniga waxa laga sheegay xanuun Beerka ah, qaliinkii lagu sameeyay laguma guuleysan, kadibna waxaa loo sii qaaday Dalka Ruushka hakaa ayuuna ku Geeriyooday, Meydkiisana Dalka ayaa la keenay, Deg.Wardhiigleey ee Mogadishu ayaana lagu Aasay, halka maanta loo yaqaan Qabuuraha Jan. Daud oo aheyd waqtigaa meel Baadiyaa oo Magaalada ka baxsan, Waddada halkaa tagto ee Maanta loo yaqaan Waddada Jan. Daud ma jirin, Maalintaa Dadkii ka qeyb galayay Aaska ayaa Cagtooda ku faleen oo socodkii Maalintaa ayeey Waddo ku noqotay. Waxaa la yiraa, waxa ey aheyd Maalintii ugu horeysay ee Somali oo dhami ey wada ooysay, Ciidanka qaar ayaa lahaa Maanta ayaan Agoon Run ah noqonay, Waxaa la yiraa 40 jir ama 41 jir ayuu ku dhintay xilka Taliyaha Xooga waxa uu ku qabtay isaga oo 35 jir ama 36 sanno jir ah.

33- Sida Caadada Beni aadambu ey tahay waxa uu lahaa Cadaw badan oo Ajnabi ah, iyo qaar yar oo Somali ah oo ku necbaa, sida uu u necebyahay Qabyaalada. Dadka Qaar oo aan la kulmay ayaa leh: Geeridiisu waxa ey aheyd mid ey sababsaday Gacmo Beni aadam, Sun ayaana la siiyay,Laakin arrintaa Cadeeyn looma hayo. Waxa aan Xasuustaa Wiilkiisa Ex-G/Sare Keyse Daud Cabdulle oo laftiisu Qabyaalada aad u necbaa, in isaga laftiisa shaqadiisii Shibilka ee Qaranka uu u hayay looga eryay Qabiil ahaan Sannadkii 2015. waa iska xaal Aduun Qof kasta oo wanaag sameeyo waxa uu yeelanayaa Caddaw.

34- Sareeye Guuto Daud Cabdulle Xirsi, Geeridiisii kadib ayaa loo sii dalacsiiyay daraja kale oo Janaraal dhameystiran oo ah, waana Darajada ugu Sareeyso heer Janaraal. waxa uu ahaa Wadani Qaran, Qaddar Alla Dadka oo dhan ayaa wada jeclaayeen. ((Annigu Yaxya ahaan Nolol kuma Arkin Jan. Daud, Laakin waxaan aqiin Aabihii cabdulle Xirsi “ Cabdulle feynuus” Jan. Daud walaalihii iyo Caruurta qaar oo aan isku Jaamacad aheyn)).

35- Waxa igu kalifay in aan Qoraalkaan ururiyo, Annaga oo jaamacada Ummadda ( Xarunta Gaheyr) joogno oo wada ah Arday, kuna sheekeysaneynay Habeen Barxadda Jaamacadda, ayaa mid Ardayda ka mid ahi yiri: Maxaa loo buunbuuniyaa, Taliye ciidan, waxaa ka sareeya Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiir xigeen , Agaasime Guud, Heykalka Dowladda waxa uu u dhigmaa Taliyaha Ciidanku Agaasime waaxeed, Ardaygii ayaa Hadalkiisii ku sii daray Jan. Daud waxa uu ahaa oo kaliya Nin shaqadiisii si wanaagsan u gutay. Mid naga mid ahaa ayaa ku yiri: Adigaaba isku jawaabay, waxaa la la’yahay ayaaba ah Qof Shaqadiisa si wanaagsan uga soo baxo.

36- Intaas oo Macluumaad ah oo aan hore loo qorin ayaa ii suura gashay in aan soo ururiyay, waxaan rajeeynayaa in Dad kalena ey sii wadi doonaan Qoraalada, Taariikhdana Runta ha laga sheego.

37- Wixii intaa ka baxsan waxaad ka heli kartaa Qoraalada kale ee laga Qoray Jan. Daud, sida Buuga Cinwaankiisu yahay ( Janaraal Daa’uud) ee uu qoray. ow Jamac Cumar Ciise.

FG: Arragtidaada Xur ayaad u tahay, wixii aan ka khalday ka sax, wixii aan ka tagayna ku dar. Arragtidaada waad ku mahadsan tahay.

Qore: Yahya Amir