Madaxweyne Deni “Hay’adaha amniga waxay u aar-gudayaan dilka Guddoomiyihii Gobolka Mudug..”

Siciid C/Laahi Deni Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in Hay’adaha ammaanka ay baaris ka bilaabeen Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug gaar ahaan dhanka Waqooyi.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay inuu dulqaadkii ka dhamaaday, wixii hadda ka dambeeyana ay ciqaabi doonaan cid waliba oo ku lug lahaata falalka amni darro gaar ahaan dilka mas’uuliyiinta maamulka.

“Waa in Cadaaladda la horgeeyo oo la toogto dadkii ka dambeeyay dilka Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Axmed Muuse Nuur, waxa aan ballanqaadayaa in cid waliba oo soo galo raad ku saabsan falkaas in cadaaladda aysan ka baxsan doonin” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweyne Deni ayaa qiray in Hay’adaha Ammaanka ay baaritaanno iyo dabagal ka sameeyeen Gobolka Mudug, isla markaana ay heleen xogo iyo macluumaad ku filan, natiijadana ay soo gudbin doonaan.

“Hay’adaha ammaanka waa inay bixiyaan jawaabta waajibka saaran ee ah in ay dabagal ku sameeyaan sida ay wax u dhaceen, waxaan fududeyneenaa in cadaaladda la waafajiyo qof waliba oo lagu caddeeyo ku lug lahaanta kiiskaan ama kuwo la mid ah, xaqiiqdii Puntland weerar ayaa lagu yahay, Shacabku waa inay taasi gartaan oo ay difaacdaan maamulkooda” ayuu sii raaciyay Madaxweyne Siciid.

Beesha Caalamka iyo Dowladda Federalka wuxuu ku dhaliilay inay ku kali yeeleen dagaalka ka dhanka wuxuu ugu yeeray Argagixisada oo abaabul xooggan ka wada deegaanada Dowlad Goboleedka Puntland.

Dhanka kale Ciidamada ammaanka Puntland oo qaarkood gelinkii dambe shalay la geeyay Waqooyiga Gaalkacyo waxay xalay qab-qabteen shaqsiyaad ay la xiriirinayaan inay wax ka ogaayeen ama ka dambeeyeen qaraxii Duhurnimadii Axadda ka dhacay Gobolka Mudug.