Maamulka Puntland oo Ku dhawaaqay Go’aamo adag, islamarkaana fasaxay Qaadka, isku socodka Gobolada iyo Xuduudaha.

Jaamac Faarax Xasan Wasiirka Caafimaadka Dowlad Goboleedka Puntland oo hadal siiyay Warbaahinta waxa uu ku dhawaaqay go’aamo adag oo ay horay usoo rogeen 27-kii Maarso dib ugu laabsan oo ay isbadal ku sameeyee.

Sababta waxa uu ku sheegay in dhawaan la guda gali doono maalmaha Ciidul fidriga, sidaas awgeed ay garteen in la Khafiifiyo Xayiraadda saaran Qaadka, Isu socodka Gobolada iyo Xuduudaha Maamulkaas.

Ganacsatada Qaadka waxa uu ka mamnuucay in wax ku iibiyaan agagaarka Xarumaha Maamulka iyo kuwa Qaramada Midoobay, inkasta oo uusan sabab dhab u sheegin, balse Ilo wareedyo ku sugan Garoowe waxa ay Mustaqbal u sheegeen in arrimo Amni awgeed goobahaan Qaadka looga fogeeyay.

Wasiir Jaamac waxa uu kaliya sheegay in maalmaha Ciidda oo nagu soo wajahan loo dabciyay, mana shaacin in Ciidda Soon-fur kadib dib loosoo celinayo iyo inkale.

Puntland waxaa laga diiwaangeliyay xaalado dhimasho, dad uu haleelay cudurka iyo kuwo ka caafimaaday, waxaana go’aanka Qaafka lagu fasaxay sidaan oo kale dhawaan qaatay Somaliland oo ay soohdin wadaag yihiin.