GALMUDUG: Saami-qeybsiga Duur-joogta (The law of the Jungle).

Beryahaan dambe waxaan ku sugnaa magaalo madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb, waxaana qeyb ka ahaa ololihii dhismaha Maamul loo dhanyahay oo ka hana-qaada Galmudug, waxaana soo gaaray 14 January ee sanadkaan, aniga oo la socday Madaxweyne Axmad Cabdi Kaariye (Qoor-qoor), oo xilligaas ahaa musharax.

Intii aan ku sugnaa Galmudug waxaan ka bartay Casharo Taban iyo kuwo Togan, kuwaasoo ii ahaa Khibrad iyo waaya aragnimo ii korortay, maadaama at tahay waqtigii ugu badnaa ee waagu iigu baryo degaanadaan.

Haddii aan u soo noqdo dulucda qormadeydan aan ugu magac daray (Saami Qeybsiga Duur-joogta), ulama jeedo Habka madaxda sare ee Galmudug dadka reer Galmudug wax ugu qeybiyeen, balse waxaan si gaar ah u abaarayaa dadka aan anigu isku tolan-nahay.

Waxaa jirta Sharci loogu magacdaray (The Law of the Jungle), sharciga Duur-joogta), waana sharci ku dhisan wax walba aniga ayay igu fiicanyihiin ama waxba ha hambeyn, inta kalena yeelkeede.

Arrinka ugu daran ayaa ah, in adduunka aysan ka jirin garasho badan oo wax la isugu hambeeyo balse ay jirto Nidaam si siman dadka u mathila, ha ahaado Nidaam Dowli ama maamul ama mid dhaqan xeerbeegti wax kala gooya, dhibaatada ugu badan ayaa ah in aanaan laheyn dhaqan wax kala garsoora, la dhegeysto ama lagu daba-feylo balse ay tahay arrintu waxba ha hambeyn mid kastana waa aniga.

Ma jirto Jufo qanacsan, balse waxaa jirta mid aan waxba heysan iyo mid wax heysata oo weli u sii hamuun qabta inay wax kale sii hesho, mana jirto garasho iyo halbeeg dadku ku cabiraan qofka qatan iyo kan wax heysta, waana arrinka ugu xun ee u dhaqankii Duur-joogta.

Sababta qormadeyda maahan inaan soo bandhigo gocasho balse waa iga toosin iyo tallo bixin tolkeyga ah, maadaama markasta iyo meel kasta looga baahanyahay Cadaaladda. ayna muhiim tahay in jiilka dambe ay isu Cadaalad falaan isna ixtiraamaan.

Ugu dambeyntii waxaan u duceynayaa dhamaanba xubnaha Gollaha Wasiirada ee uu Madaxweyne Qoor-qoor magacaabay, waxaana u rajeynayaa inuu alle la garabgalo mas’uuliyadda culus ee loo Idmaday.

Wabillaahi Towfiiq

WQ:Garaad Salaad Xersi