Dal kasta wuxuu ku faana halgamayaashooda, innagu maxaynu ugu faani weynay halgamayaasheena?

Waxaa soo diyaariyay: Maxamed Xaaji Maxamed Xuseen (Maxamedeyn)

Qaybtii 7aad iyo halgankii S.Y.L., xilligii gobannimodoonka, waxay Masar garab istaagtay shacabka Soomaaliyeed, wakiilkii Masarna arrinkaa daraadii ayaa loo dilay.

Masaaridii hore waxay Soomaaliya u arki jireen in ay caan ku tahay dhulkii Punt, dhulkii awoowayaasha, waxayna ku magacaabi jireen dhulkii cadarka iyo fooxa, xiriirkaa Soomaaliya iyo Masar wuxuu sii xoogaystay xilligii boqoraddii Xatshabsuut oo ay Masar xukuntay qarnigii 18aad ka hor dhalashaddi nebi Ciise caleyhissalaam, boqoraddu waxay ergo rasmi ah u dirtay Soomaaliya waxayna Masar iyo madaxdii Soomaaliya xukumi jireen isdhaafsan jireen haddiyo iyo booqashooyin, markii ay Soomaaliya soo gaartayna islaamnimada waxaa aad u sii xoogaystay xiriirkii Soomaaliya iyo Masar.

Masaaridu waxay Soomaaliya yimaadeen 1875kii kaddib markii la furay Canal Suweys 1869, Soomaaliduna waxay aad u soo dhoweeyeen ciidankii Masaarida iyagoo ictiqaadsanaa in ciidankaasi ay Soomaaliya ka ilaalinayaan gumeystayaasha, waxayna Masaaridu gaareen meelo badan oo xeebta ah, sida: Kismaayo oo ay ugu magac dareen buurtii Ismaaciil.

Ingiriisku wuxuu ka shakiyay sida ay Masaaridu u soo galayaan Soomaaliya, sidaas daraadeed waxay ku dhiiraggeliyeen suldaankii Zenzibar sheegashadiisa ku aadanayd mandiqada, gaar ahaan xeebta konfureed ee Soomaaliya, Ingiriiskuna wuxuu gacanta ku dhigay Masar sannadkii 1882, sidaas daraadeed bay Masaaridu uga gurteen  Soomaaliya kaddib markii ay joogeen toban sannadood, shacabkii Soomaaliyeedna waxay aad uga xumaadeen bixitaanka dadkii Masaarida ahaa iyagoo rabay in ay ka difaacaan gumeysiga reer galbeedka.

Sannadkii 1950kii waxay Masar xubin ka noqotay golihii la talinta ee qaramada midoobay waxayna taasi keentay in xiriirka Masar iyo Soomaaliya uu sii xoogaysto, gaar ahaan markuu Masar ka curtay kacaankii uu hoggaaminaayay Jamaal Cabddi Naasir 23kii July sannadkii 1952kii wuxuuna ahaa kacaan ay shacabka Masar u riyaaqeen, wuxuu kaloo kacaankaasi garab u ahaa shucuubtii Afrika iyo carabta ee gobannimo doonka ahaa.

Xukuumaddaas kacaanka ahi ee ka curtay dalka Masar waxay durba Soomaaliya u soo dirtay ergo waxbarasheed oo ka koobanaa 19 macallin oo isugu jiray haween iyo rag si ay Soomaaliya uga caawiyaan dhinaca waxbarashada, waxaa kaloo sii kordhay deeqdii waxbarasho ee xukuumadda Masar ay u fidinaysay ardayda Soomaaliyeed, sannadkii 1956kiina waxay Masar ka furtay Muqdishow qunsuliyad ay leedahay dawladda Masar, isla sannadkaasina waxay kaloo Muqdishow ka furtay xarunta dhaqanka islaamka, waxaana ku sii xigay maktabad carabi ah, Masar waxay kaloo bilawday in ay Soomaaliya u dirto khubaro dhinaca beeraha ah si kor loogu qaado heerka aqooneed ee beeraha.

Isu soo dhowaanshaha iyo xiriirka fiican ee ka dhexeeyay Soomaaliya iyo Masar waxaa aad uga carooday gumeysiga wuxuuna arkayay in xukuumadda kacaanka ee Masar ay khatar ku tahay siyaasadda gumeysiga ee ku wajahan Soomaaliya, wuxuuna markaasi bilaabay in uu khalkhal geliyo xiriirka walaaltinimada ah ee ka dhexeeyay Soomaaliya iyo Masar wuxuuna gumeysigu ku dhaqaaqay fal argaggixiso ah isagoo shirqool dil ah u maleegay wakiilkii Masar ee ku jiray golihii la talinta ee qaramada midoobay, haseyeeshe dawladda Masar wax saamayn ah kuma yeelan dilka wiilkooda, balse waxayba sii kordhisay kaalmadii ay u fidinaysay shacabka Soomaaliyeed, ergadii waxbarasho ee ka socotay xukuumadda Masar oo markii hore ahaayeen 19 macallin waxay tiradoodu noqotay 100 macallin, tiradii raggii ka socday Al-Az-harna waxay kor u dhaaftay 25 waxaana sii kordhay ardadii Soomaaliyeed ee wax ku baranaysay dugsiyada iyo jaamacadaha Masar.

Qaramada midoobay waxay Soomaaliya u soo dirtay sida aan soo sheegnayba ergay saddex dawladood ka koobnaa, Masarna waxay ka mid ahayd saddexdaasi waddan, waxaana ergayga Masar hoggaaminaayay Kamaaludiin Salaax oo naftiisa u huray shacabka Soomaaliyeed sidii ay u heli lahaayeen xornimadooda.

Kamaaludiin Salaax wuxuu dareensanaa waajibaadka islaamnimo iyo carabnimo ee saaran isagoo fursad u helay in uu la kulmo shacabka Soomaaliyeed iyo hoggaankooduba, wuxuu kaloo fursad u helay in uu ku soo wareego gobollada dalka, wuxuuna shacabku ku guubaabin jiray in ay ku midoobaan la dagaalanka gumeysiga.

Gumeysigii Talyaaniga markuu arkay dhaqdhaqaaqa Kamaaludiin iyo sida uu ugu xiran yahay shacabka Soomaaliyeed ayaa wuxuu dareemay in Kamaaludiin uu khatar ku yahay danaha Talyaaniga wuxuuna markaasi u hawlgalay sidii uu uga takahlusi lahaa Kamaaludiin, wuxuuna marka hore olole u galay sidii uu u baabi’in lahaa golihii la talinta ee qaramada midoobay si uusan goluhu waxba uga qorin falalkii naxariisdarroda ahayd ee uu gumeysiga Talyaaniga kula kacaayay shacabka Soomaaliyeed.

Gumeysigii Talyaaniga wuxuu maleegay shirqool uu kaga takhalusayo Kamaaludiin wuxuuna shirqoolkaas dilka ahi u adeegsaday nin Soomaali ah oo ilaalinaayay danaha gumeysiga, waxaana gacan ku dhiiglihii dilkaas geestay la oran jiray Maxamed Sheekh Cabduraxmaan, waxaana Kamaaludiin Salaax la dilay 16kii bishii april sannadkii 1957kii waxaana lagu hor dilay qunsuliyadda Masar ee Muqdishow horteeda isagoo markaasi u socday gurigiisa, waxaana markaasi lagu xukumay xabsi daa’in, hayeeshe waxaa cajiib noqotay intii aan la ogaan sababta uu dilkaas u geestay iyo ciddii ka danbaysay dilkaasi ayuu xabsiga gudihiisa ku geeriyooday.

Shacabkii u soo halgamay gobannimada dalka waxaa niyadda ka jebiyay, shakhsiyaat Soomaali ah oo la dan ahaa cadowga shacabka, imminkana kuwo kale ayaa u taagan arrinka noocaas oo kale ah.

Dabayaaqadii 1954kii wuxuu gumeysigii Talyaaniga ku guulaystay in uu leexiyo khadkii siyaasadeed iyo barnaamijkii loogu talogalay xisbigii waddaniga ahaa ee S.Y.L., dad Soomaali ah oo siyaasaddiisa iyo danahiisa u fuliyana si dhab ah ayuu u abuurtay, waxaana taa ku xigtay in sannadkii 1958kii uu burbur xoog lihi ku yimaado xisbigii waddaniga ahaa ee  S.Y.L.

Guddigii dhexe ee xisbiga ee la marin habaabiyay wuxuu waraaqo u kala diray dhammaan laamaha xisbiga ee gobollada isagoo ka dalbaday in ay la yeeshaan iskaashi iyo wax wadaqabsi maamulkii Talyaaniga, xilligaasoo uu Talyaanigu xabsiga ku dhibaayay geesiyaashii xisbiga, shirkii guudna ee xisbiga laguna ansixinaayay mashruucii ahaa in la taageero maamulka Talyaaniga ayaa qaar is-horistaagay ansixidda mashruucaas waxayna shardi uga dhigeen in marka hore uu Talyaaniga xabsiga ka sii daayo halgamayaasha uu xabsiga ku hayo isla markaana uu siiyo magdhaw dadkii uu ka dhacay hantidooda guryahooduna uu ka gubay, hayeeshe waxaa nasiib xumo ahayd in shirkaasi ay ku guulaysteen kooxdii danaystayaasha ahaa, halkaasina waxaa ka bilawday khilaaf dhex mara waddaniga iyo khaa’inul waddanka.

Sannadkii 1956kiina waxaa la qabtay doorashadii ugu horraysay ee baarlamaanka waxaana ku guulaystay xisbigii S.Y.L. ee la marin habaabiyay, waxaana madax ka noqday Aden Cabdulle Cusmaan, waxaana arrintaasi ku xigtay murugo hor leh kaddib marki la dilay Kamaaludiin Salaax oo shacabka Soomaaliyeed la jeclaa in uu helo madaxbannaanidiisa.

Xaaji Maxamed Xuseen markuu dalka dib ugu soo laabtay doorashadiisa kaddib kana soo degay gegida dayuuradaha ee Muqdishow ayaa soo dhoweyntiisa isugu soo baxay dad weyne aad u fara badan waxayna isa soo dhoobeen gegida dayuuradaha ilaa xaruntii xisbiga S.Y.L., madaxdii ka socotay maamulkii Talyaaniga waxay iyaguna soo diyaariyeen gawaari qurux badan, si loogu soo qaado Xaajiga, laakiinse Xaajigu wuxuu gawaaridaasi ka doortay in uu soo raaco shacabkii uu isaga daraadii isugu soo baxeen.

Markuu Xaaji Maxamed uu soo raacay shacabkiisa waddaniga ahaa ayaa qaar waxay yiraahdeen: Xaajigu Maxamed waxaa loo baahnaa in uu soo raaco maamulkii Talyaaniga, waxaana markaasi dood la’aan uu noqon lahaa madaxweynaha Soomaaliya, isagoo taageero badana ka haystay shacabka Soomaaliyeed, qaar kalena waxay yiraahdeen: Xaajigu hadduu soo raaci lahaa gawaaridii loo soo qurxiyay oo loogu talogalay in uu soo raaco waxaa meesha ku caddaan lahayd in uu noqon lahaa danayste la dan ah kuwii danaystayaasha ahaa, waxaa kaloo la ogaadaay in gumeysigii Talyaaniga iyo maamulkiisaba ay shirqool ka ahayd soo dhoweynta Xaaji Maxamed Xuseen.

Gumeysigii iyo gumeysi kal kaalkuba waxay olole ballaaran u galeen sidii ay u wiiqi lahaayeen halgankii halgamayaasha iyo xisbigooda waddaniga ahaa, waxaa laysku qasay kii gumeysiga ka soo horjeeday iyo kii raacsanaa, kii waddaniga ahaa iyo kii khaa’inul waddaniga ahaa, waxaa markaasi dhashay jahawareer iyo is-aaminid la’aan, dadkii waddaniyiinta ahaana bannaanka ayaa loo saaray kuwii aan waddanka u soo halgamina waa la soo dhoweeyay ilaa laga hantiyo gobannimadii dalka, talodii dalkana waxay gacanta u gashay dadkii uu Talyaaniga rabay, shacabkii waddaniga ahaana oo maalkooda iyo maskaxdooduba u hibeeyay xisbigoodii waddaniga ahaa ee S.Y.L. ayaan guran mirihii guusha ee xisbigooda.

Dhinaca kale waxaa sii xoogaystay isku xirnaanta gumeysigii Talyaaniga iyo raggii uu soo barbaarsaday, warqad uu Aden Cabdulle Cusmaan u diray madaxweynaha Talyaaniga isagoo ugu hanbalyeynayay sannadguuradii boqolaad ee midowgii Talyaaniga, wuxuuna warqaddiisa ku yiri: in muddo laga joogo lixdan sannadood taariikhda soo gelitaanka Talyaaniga ee Soomaaliya, waxaanu yeelanay xiriir adag oo ku salaysan dareen iyo shucuur nadiif ah, haddii ay noqon lahayd saaxiibtinimada dheer ee wanaagsan, kaasoo ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, waxayna taasi keentay in aynu helno gobannimadeena ama rabitaankeena dhabta ah ee iskaashiga dhinacyada badan leh, sharafkaasina waxaa lagu helay maalqabeenada Talyaaniga ee sharafta leh oo nagala qaybgalay dhisidda Soomaaliya, annagu waxaanu dareensanahay in xiriirkaas qotoda dheer leh uu sii xoogaysto.

Waxaa mid lala yaabo noqotay, sannooyinkii uu Talyaanigu gumeysanayay shacabka Soomaaliyeed kulana kacayay cadaadis,dil, xabsi iyo wax la mid ah in Aden Cabdulle Cusmaan uu ku fasiray in ay ahayd jacayl iyo dareen wanaagsan oo ka dhexaysay Soomaaliya iyo Talyaaniga isagoo iska indhatirayay wixii dhib ahaa ee uu gumeystaha Talyaanigu u geestay shacabkeena waddaniyiinta ah.

Gumesysigii Talyaaniga wuxuu aad uga baqayay in Xaaji Maxamed Xuseen uu shacabka Soomaaliyeed ku faafiyo mabaadii’da islamka iyo afka carabiga iyo waliba xoojinta xiriirka lala leeyahay ummadaha carbeed, halkaasina ay ku lunto siyaasadda Talyaanigaa ee ku wajahan Soomaaliya, dhaqankiisana la qaadan waayo, wuxuuna markaasi bilaabay isagoo adeegsanayo kooxo dabadhilif ah in ay qoraallo ku soo bandhigaan wargeyskii “Corriere della Somalia” iyagoo ku hujuumayay siyaasadda Xaaji Maxamed Xuseen iyo rabitaankiisa oo ahayd in iskaashi iyo wax wadaqabsi lala wadaago dawladaha carbeed, waxayna markii danbe  gumeysigii Talyaaniga iyo kuwii danahiisa ilaalinaayay ku guulaysteen in Xaaji Maxamed Xuseen ay ka soo saaraan xisbigii S.Y.L. oo qaybta libaax ka soo qaatay aasaasiddiisa.

Gumeysigii iyo gumeysi kalkaalkiiba waxay ku guulaysteen in ay leexiyaan halgankii uu  soo galay SYL, Xaaji Maxamed Xuseena ay ka soo saaraan xisbigii S.Y.L.

Xaaji Maxamed Xuseen markii laga soo saaray xisbigii S.Y.L. ayuu isla markiiba ku dhaqaaqay bishii July 24keedii 1958kii in uu si rasmi ah u furo xisbi cusub oo siyaasi ah wuxuuna ugu magacdaray S.D.U., waxaana xisbigaa cusub isla markiiba ku soo biiray dadweyne aad u fara badan oo intooda badan ka soo go’ay xisbigii S.Y.L.

Furitaankii xisbiga cusub wuxuu Xaaji Maxamed Xuseen caddeeyay in mabaadii’da iyo ujeeddooyinka xisbiga S.D.U. ay la mid tahay mabaadii’da iyo ujeeddooyinka xisbigii waddaniga ahaa ee S.Y.L.

Barnaamijka xisbiga S.D.U. waxaa sal u ahaa qodobada soo socda:

-Diinta islaamka waa diinta rasmiga ah ee shacabka Soomaaliyeed.

-Luqadaha rasmiga ah ee Soomaaliya waa Soomaali iyo Carabi iyadoo la sii wadayo danaynta qoritaanka afka Soomaaliga.

-In xisbigu uu ku shaqaynayo danaha guud ee shacabka Soomaaliyeed xag dhaqaale, xag siyaasad iyo xag bulshaba, wuxuuna ku duulayaa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed iyo rajooyinkiisa.

-Xisbigu wuxuu u halgamaya sidii uu u xaqiijin lahaa madaxbannaanida Soomaaliya iyo ka xorraynta gumeysiga dhulka Soomaaliya iyo isku keenidda ummadda Soomaaliyeed.

-Xisbigu wuxuu u halgamaya mabda’a dhexdhexaadnimada ee siyaasadda dibedda iyo saaxiibtinimada shucuubta dunida iyo xoojinta dhaqaalaha dalka si uu shacabku u helo xuquuq dimqoraadiyeed oo buuxda.

Xisbiga S.D.U. wuxuu hakiyay oo uu ka hortagay qorshihii gumeysiga Talyaaniga oo ahayd in wisaayadiisa uu sii dheeraysto.

25kii Febraayo1959kii waxaa shir isugu yimid xubnihii xisbiga S.D.U oo uu hoggaaminayo Xaaji Maxamed Xuseen iyagoo ka dhega adeegay amarkii gumeysiga Talyaaniga uu bixiyay oo ahaa in albaabka loo xiro xisbiga S.D.U.,15 maalmood inta aan doorashada dhicin, hayeeshe intii uu shirkii xisbiga socday ayaa boliskii gumeysiga Talyaaniga iyo taageerayaashii xisbiga oo bannaanbaxayay iska hor-yimaadeen wuxuuna boliskii gacanta ku dhigay 280 ruux oo 112 ay haween ahaayeen, wuxuu kaloo gumeysigu gacanta ku dhigay Xaaji Maxaxmed Xuseen iyo madaxdii xisbiga midaynta qaranka Soomaaliyeed iyo xubnaha guddiyada maamulka xisbiga, inkastoo arrintaasi ay meel mar noqon weyday kacdoonkii shacabka awgeed.

Markii gacanta lagu dhigay gobannimadii Soomaaliya waxaa meel la iska dhigay oo la xusuusan waayay dhallinyaradii naftooda u huray sidii Soomaaliya looga saari lahaa gumeysiga, gobannimo buuxda iyo midnimona loo heli lahaa, waxaa la inkiray sidii ubadkeena loo bari lahaa halgankii xaqa ahaa ee ay galeen geesiyaashii Soomaaliyeed, waxaa dadkii la illowsiiyay in ay xusuustaan dadkii daacadda u ahaa dadkooda iyo dalkooda, heegana u ahaa in ay dalkooda ka difaacaan wixii gardarro la damacsanaa, waxaa la qaddarin waayay oo aan la xushmayn waayay dadkii diiday oo ka dhiidhiyay in dadkooda la dandaraysto dalkooduna la dhifsado, waxaa la diiday oo la iska indho tiray in xaqiiqda laga sheego taariikhda ummadda Soomaaliyeed, waxaa laga baqay oo laga gaabsaday in la kala saaro kii daacadda u ahaa dalka danta guudna ku duuli jiray iyo kii khaa’inul waddanka ahaa kuwii duullaanka wadayna la dan ahaa.

Madaxdii danaystayaasha ahaa waxay dadkii illowsiiyeen in ay ogaadaan halgankii 13kii halyey oo aasaasay xisbigii waddaniga ahaa ee S.Y.L., waxay ummadda ka qariyeen in ay gartaan halgankii ay soo galeen geesiyaashii Soomaaliyeed.

Xaaji Maxmed Xuseen isagoo aan waxba ka guran mirihii gobannimada sidii asxaabtiisa kale oo halgameyaasha ahaa aysan waxba uga guran ayaa tii Allah u timid 15kii Juun sannadkii 1981kii kamana tegin maal lagu murmo iyo daaro lagu diriro, hayeeshe wuxuu carruurtiisa iyo ummaddaba uga tegay dhaxal ma guuraan ah.

26kii Juun sannadkii 1960kii waxaa xor noqday gobollada waqooyi ee Soomaaliya, shan maalmood kaddibna (01/07/1960) waxaa xorroobay gobollada konfureed isla maalintaasina waxay labada gobol isla garteen in ay midoobaan oo ay hal isu noqdaan, waxayna taasi noqotay tallaabadii ugu horraysay ee lagu raadinayay Soomaali weyn.

Dawladdii ugu horraysay ee rayidka ahayd waxay xukunka haysay ilaa 1967kii kaddibna waxaa la doortay dawladdii labaad ee rayidka ahayd waxayna xukunka haysay ilaa laga afgenbiyo sannadkii 1969kii, ciidamadii qalabka siday ee afgenbiyay xukuumaddaasi waxay dalka maamulayeen ilaa dabayaaqadii 1990kii, kaddibna waxaa dalkii la wareegay ururo aan urursanayn waxayna dalka ka oomiyeen in uu yeesho dawlad la aqoonsan yahay, waxayna taasi keentay rajadii ahayd in Soomaalidii shantii qaybood loo qaybiyay laysku keeno in arrintii isku rogtay in qabiil kasta uu ku dhawaaqo maamul u gooni ah.

Riyadii gumeystayaasha oo ahayd in Soomaaliya aysan marna isku imaan baa u hirgashay, waxaana dhabanohays ku noqotay shacabka waddaniyiinta ah ee Soomaaliyeed in maanta ay arkaan in cadowga ummadda Soomaaliyeed la hoos fadhiisto oo qofkii doonayo in uu isku soo sharraxo madaxtinimada dalka uu marka hore soo maro cadowga Soomaaliya, waa inoo berri iyo qaybtii 8aad oo ah qaybtii ugu danbaysay inshaa Allah.

Facebook: Maxamed Xaaji Maxamed Xuseen Maxamedeyn

Whatsapp: 0685732185

Halkan hoose riix kalana soco qaybtii 1aad:

http://www.somaliweyn.org/2020/05/06/halgankii-s-y-l-iyo-geesiyaashooda-u-soo-halgamay-sidii-ay-dalkooda-uga-xorrayn-lahaayeen-gumeystaha

Halkan hoose riix kalana soco qaybtii 2aad:

http://www.somaliweyn.org/2020/05/08/halgamayaashii-dhabta-ahaa-waxaa-lagu-beddalay-kuwo-dhalanteed-ah-taariikh-been-ahna-waa-loo-sameeyay-dhallintiina-wey-wareereen

Halkan hoose riix kalana soco qaybtii 3aad:

http://www.somaliweyn.org/2020/05/10/intii-taallooyin-loo-suri-lahaa-halgamayaasha-waxaa-ka-wanaagsan-in-dhallinta-soo-koraysa-la-baro-taariikhda-halgamayaashooda-dhabta-ah

Halkan hoose riix kalana soco qaybtii 4aad:

http://www.somaliweyn.org/2020/05/11/taariikhyahannada-iyo-qorayaasha-waxaa-laga-doonaya-in-ay-soo-saaraan-qoraallo-iyo-buugaag-ay-ku-xusayaan-geesiyaashooda-u-soo-halgamay-dalkooda

Halkan hoose riix kalana soco qaybtii 5aad:

http://www.somaliweyn.org/2020/05/14/gumeystayaashii-dadkeena-ku-dul-soconayeen-baa-dad-danaystayaal-soomaali-ahi-u-sacabo-tumayeen

Halkan hoose riix kalana soco qaybtii 6aad:

http://www.somaliweyn.org/2020/05/16/ayax-tag-eelna-reeb-gumeysigiina-tag-dad-daacad-u-ahna-reeb