Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay qeybo ka tirsan Afgooye.

Afgooye:-Dagaal u dhaxeeyey ciidanka xoogga dalka iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa xalay wuxuu ka dhacay Xaafada Mokeyga ee degmada Afgooye, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona mudo saacad ah uu ka socday gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Lama oga khasaaraha labada dhinac ee soo kala gaaray inta uu la egyahay, balse waxaa la sheegayaa inuu khasaare jiro, sida uu sheegay Taliyaha ciidanka Booliska ee degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.

Dhanka kale ma jiraan Al-Shabaab weli wax war ah oo ka soo baxay, iyadoo Al-shabaab weeraro gaadmo ah mararka qaar ku qaadda ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan gobolka Shabeellada Hoose.