Midowga Yurub oo Dalal Soomaaliya ku jirto ugu deeqay lacago wax looga qabanayo Covid-19.

Ururka Midowga Yurub ayaa go’aan ku gaaray in uu taageero dhaqaale siiyo dalalka dhaca Geeska Afrika oo laga diiwaangeliyay kiisas badan oo ah cudurka Coronavirus oo saameyn taban ku yeeshay wadamo xubno ka ah Ururkaan.

Lacagta Midowga ayaa la sheegay in lagu xoojinayo kahor tagga halista Afrika iyo faafidda Covid-19, sidaas awgeed Sanduuqa Ururka laga saari doono dhaqaale dhan €105.5 million oo Yuuro.

Ururka ayaa si faah-faahsan u kala sheegay si ay ugu kala qorsheeyeen lacagahaan dalalka Geeska Afrika, waxaana loo marinayaa Hay’ado kala duwan si wax looga qabto faafidda iyo halista maalinlaha ah ee laga diiwaangeliyo Xannuunka.

Jabuuti waxa ay heleysaa adduun lacageed dhan (€500,000 oo Yuuro), Ethiopia (€42 million oo Yuuro), Kenya (€15 million oo Yuuro) iyo Soomaaliya oo ah dalka labaad ee dhaqaalaha ugu badan gaarayo waxaana qayb ahaan kusoo aaday (€48 million oo Yuuro).

Midowga Yurub ayaa sheegay in taageeradoodu ay qayb ka noqon doonto xalinta dhibaatooyinka xannibaad iyo xannuun ee dalalka Geeska Afrika ka dhaxleen faafidda Fayruska Corona.

“Dadka ayaa cunno caawin ah oo ay u baahan yihiin la siin doonaa, Beeraleyda ayaa lagu gacansiinayaa dallaga ay Abuurtaan, Xoolo dhaqatada iyanna waa ka qayb, Carruurta waxaa looga hortagayaa macluul ama nafaqo darro, si gaar ah kuwa kunool Xeryaha Qaxootiga iyo kuwa barakacayaasha Gudaha, Hoy ayaa loo dhisayaa dadka, Adeegyo Caafimaad, Nadiifinta biyaha iyo waxyabashada Carruurta ayaa loo adeegsanayaa” sidaasi waxaa lagu yiri Warka kasoo baxay Midowga Yurub.

Midowga Yurub ayaa shaaciyay in dhaqaalaha ay ku yaboobeen in si toos ah loogu gacangelinayo Hay’adaha Cunnada iyo Beeraha iyo qaabilsan Qaramada Midoobay si ay ugu dhaqaaqdo gaarsiinta dadka u baahan si wax looga qabto waxyaabaha kor ku xusan.