Kenya oo markii 3-aad dalbatay in dib loo dhigo dhageysiga kiiska badda ee Soomaaliya kala dhaxeeya.

Muqdisho:-Dowladda Kenya ayaa markii sedaxaad maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ka dalbatay in dib loo dhigo dhageysiga kiiska badda ee Soomaaliya kala dhexeeya, kaas oo hor-yaalla Maxkamadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa dalba dowladda Kenya si adag uga hor timid, kaas oo ah in markii sexaad dib loo dhigo dhageysiga dacwadda badda, sida ku cad dokumentiyo cusub oo ay Kenya u dirtay Maxkamadda ICJ.

Dhageysiga dacwadda ayaa qorshuhu ahaa in uu dhaco bisha June e sanadkan oo fooda nagu soo heysa, balse Kenya ayaa maxkamadda ka codsatay in dib loo dhigo muddo aan la cayimin, in kasta oo aan weli laga aqbalin lagana diidin.

Kenya ayaa ku andacootay in saameynta cudurka Coronavirus ee caalamka kusii faafaya aysan u saamaxeynin inay xilligan difaacato badda, ayada oo xustay in qareenadii ku matali-lahaa maxkamadda ay ku kala xayiranyihiin dalalka caalamka ah, sidaas darteedna ay isku imaan waayeen.

Maxkamadda ayaa la filayaa in maalmaha nasoo aadan ay shaaciso go’aankeeda ku aaddan xlliga la dhageysanayo kiiska badda ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.