Ayax tag eelna reeb, gumeysigiina tag dad daacad u ahna reeb

Waxaa soo diyaariyay: Maxamed Xaaji Maxamed Xuseen (Maxamedeyn)

Qaybtii 6aad iyo halgankii S.Y.L., markii uu gumeysigii Talyaanigu ka tegayay Soomaaliya, dad danahiisa u fuliya ayuu uga tegay, wuxuuna ku sifoobay: Ayax tag eelna reeb.

Dagaal weynihii labaad ee adduunka markuu dhammaaday sannadkii 1945kii ayaa arrinta Soomaaliya la hordhigay wasiiradii arrimaha dibedda ee dalalkii ku guuulaystay dagaalkaas, Mareykanku wuxuu qabay in wisaayada Soomaaliya ay noqoto mid loo dhan yahay, hayeeshe dalka Faransiiska ayaa arrintaasi si xoog leh uga soo horbaxay wuxuuna shirkii ku dhammaaday guuldarro kaddib markii ay dawladihii ku heshiin waayeen siyaasaddooda ku wajahan Soomaaliya.

Shir kale ayaa laysugu soo noqday bishii april 29keedii sannadkii 1946kii wuxuuna Ingiriisku soo jeediyay in dhulalka Soomaaliya la mideeyo isagoo markaasi u jeeday: dhulka uu Talyaaniga haytso, dhulka uu Ingiriisku haysto, gobolka Soomaali galbeed iyo gobolka NFD, Ingiriiskana markaasi loo dhiibo wisaayada Soomaaliya ilaa ay Soomaaliya ka qaadanayso gobannimadeeda, haseyeeshe arrintaasi waa lagu gacan sayray shirkiina wuxuu ku dhammaaday fashal, Ingiriiskuna wuxuu markaasi bilaabay inuu taageero siiyo xisbigii S.Y.L..

Markale ayaa arrintii Soomaaliya la hor-keenay xoghayeyaasha guud ee wasiirada arrimaha dibedda ee dalalkaasi bishii Oktober sannadkii 1947kii, wax xal ah oo laga gaarayna mey jirin, waxaase laysla gartay in Soomaaliya loo diro guddi xaqiiqa raadin ah oo soo oddorasa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed in ay diyaar u yihiin gobannimo iyo in kale.

Guddigaasi oo ay ka koobnaayeen: Ingiriiska, Modowgii Sofyeeti, Mareykanka iyo Faransiiska waxay Muqdishow ka degeen jannaayo 1948kii, gumeysigii iyo kuwo kaloo Soomaali diid ahaana waxay isku dayeen in ay is-hortaagaan doonista shacabka Soomaaliyeed ee ay ku doonayeen madaxbannidooda.

Guddigii afarta ahaa waxay noqdeen kala aragti, wakiilkii Ingiriiska iyo kii Mareykanka waxay u arkeen xisbigii S.Y.L. in uu yahay dhaqdhaqaaq waddaniyeed oo adag, wakiilkii Faransiiska iyo kii Midowgii Sofyeeti waxay u arkeen in xisbiga S.Y.L. uu yahay xisbi taageero ka hela Ingiriiska si uu u kala qaybiyo ra’yiga shacbaka Soomaaliyeed ugana dhex abuuri lahaa qalalaaso.

Xisbigii S.Y.L. wuxuu doonayay in dawladaha afarta ah ay la wareegaan wisaayada Soomaaliya, ayna haayaan muddo ku siman toban sannadood, kaddibna ay Soomaaliya xor noqoto, waxaana fikraddaasi taageeray maamulkii militeriga ahaa ee Ingiriiska, hayeeshe axsaab kale oo Soomaali ah oo la dan ahaa gumeysigii waxay soo jeediyeen in Soomaaliya ay hoos timaado maamulka Talyaaniga gacantana uu ku hayo muddo dhan soddon sannadood, waxaana fikraddaasi taageeray maamulkii Talyaaniga.

Warbixintii guddigii ka socday afarta dawladood waxay noqotay in shacabka Soomaaliyeed ay aad u neceb yihiin in uu dib ugu soo noqdo Talyaaniga, haddii Soomaaliya la gelinaayana wisaayad waxay jecel yihiin in ay noqoto muudo dhan toban sannadood, qaramada midoobayna ay la wareegto wisaayada Soomaaliya, hayeeshe guddigii iyagoo warbixintooda u gudbiyay wasiiradooda arrimaha dibedda 30/07/1948kii waxay go’aamiyeen in Soomaaliya aysan imminka diyaar u ahayn in ay is maamusho xag siyaasadeed iyo xag dhaqaaleedba.

Gumeysigii Talyaanigana isagoo ka faa’idaysanaya arrintaasi ayuu sheegay in Talyaanigu maaddaama uu khibrad u leeyahay duruufaha Soomaaliya aadna ula socdo xaaladaheeda guud in ay habboon tahay in wisaayada Soomaaliya loo dhiibo Talyaaniga, dawladihii iyo shakhsiyaadkii gacan saarka la lahaana Talyaaniga waxay taageereen fikraddaas uu watay Talyaanigu iyagoo ka baqaayay in Midowgii Sofyeeti uu si fudud u soo galo Afrika.

27/01/1950 ama 21/11/1949 qaramada midoobay waxay aqlabiyad ku oggolaatay fadhigeedii afaraad in Soomaaliya loo dhiibo Talyaaniga muddo toban sannadood ahna uu haayo, kaddibna ay Soomaaliya hesho madaxbannaani buuxda,waxaana muddadaasi la abuuray gole la talin ahaa oo ka socday qaramada midoobay, waxayna kala ahaayeen ergooyin ka kala socday: Masar, Kolombiya iyo Filibiin, waxaana guddigaasi xarun looga dhigay magaalda Muqdishow, ujeeddaduna waxay ahayd in uu la socdo fulinta go’aanada qaramada midoobay.

Bishii april kowdeedii sannadkii 1950kii wuxuu gumeysigii Talyaaniga si rasmi ah ula wareegay wisaayadii Soomaaliya, kaddib markii ay qaramada midoobay go’aamisay, hayeeshe waxaa shardi looga dhigay dhowr qudub oo kala ah:

1-in muddada wisaayada ay ku koobnaanto 10 sannadood.

2-in la aasaaso guddi la talisa wisaayada kuna jirin damac gumeysinimo, muhiimaddiisuna uu noqdo kormeerid hawlaha maamulka iyo horumarinta dalka, lana socdo ilaa uu dalka ka gaarayo maalintii la go’aamiyay in uu gacanta ku dhigayo gobannimadiisa.

3-in dawladda loo dhiibay wisaayada ay hawlaheedu u soo bandhigto golaha la talinta iyo qaramada midoobay si looga xaajoodo warbixinada iyo dacwooyinka soo socda:

1-Warbixin sannadeed ah oo laga dalbanayo dawladda wisaayada.

-2-Warbixinta uu soo bandhigayo golaha la talinta waa in uu ka soo qaybgalo lafagurkeeda.

3-Warbixinada ergooyinka ka socda qaramada midoobay ee booqashada ku mara sannadkiiba hal mar.

4-Dacwooyinka shakhsiyaadka iyo kooxaha ahlu beledka ah u soo gudbinayo guddiga la talinta ama ay si toos ah ugu gudbiyaan guddiga wisaayada.

Gumeysigii Talyaaniga wuxuu durba ku dhaqaaqay in Soomaalidii uu u kala qaybiyo qabiil qabiil si uu halkaasi ugu dilo wadajirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, is nacaybna uu dhex dhigo ummadda Soomaaliyeed, wuxuu sii kordhiyay cadaadiskii uu ku haayay shacabka, wuxuuna abuurtay koox Soomaali ah oo danaystayaal ah oo ilaalisa danta Talyaaniga uu ka leeyahay Soomaaliya, kooxdaasi danaystayaasha ahi waxay daawanayeen in beerihii iyo khayraadkii dalka uu Talyaanigu ku wareejinaayay maalqabeeno Talyaani ah.

Shuruudihii wisaayada ee uu Talyaanigu ku oggolaadayna waxay ahaayeen

1-in uu dardar cusub geliyo maamulka, dadkana uu ka qaybgeliyo xukunka

2-in uu kobciyo dhaqaalaha dalka wax soo saarkana uu badiyo.

3-in uu hagaajiyo gaadiidka iyo is gaarsiinta, wacyiga dadkana uu kor u qaado.

4-in uu habeeyo waxbarashada, dadkana uusan ku samayn midab kala sooc.

5-in uu hagaajiyo caafimaadka danta guudna uu ku duulo.

6-in uu wax ka qabto nabadgelyada dalka, ciidan dalka difaacana uu diyAariyo.

7-in uu la tashado golihii la talinta ee qaramada midoobay keligiina uusan go’aan gaarin.

8-in uu xukunka ku wareejiyo dadka Soomaaliyeed.

Haseyeeshe gumeysigii Talyaaniga wuxuu ku dhaqaaqay wax ka geddisan dhammaan waxyaabihii shardiga looga soo dhigay wisaayada, dhaqaalihii dalka wuxuu gacanta u geliyay dadkiisa iyo kuwo Soomaali ah oo la dan ahaa, beerihii lagu barwaaqaysan lahaana sidaas iyo si la eg buu ku sameeyay, ganacsigii gudaha iyo dibeddana wuxuu ixtikaar (monopoly) uga dhigay shirkado Talyaani ah, wax dalkii uu horumariyayna mey jirin.

Gumeysigii Talyaaniga wuxuu sameeyay baarlamaan iyo gole wasaaradeed, wasaarad kastana wuxuu u sameeyay hal la taliye oo Talyaani ah, labadii wasaaradood ee muhiimka ahaana (dibedda iyo gaashaandhigga) waxaa la wareegay xaakinkii guud ee maamulkii Talyaaniga isagoo arrimahaasi ugu gol lahaa si looga kaaftoomo golihii la talinta, laakiinse gumeysigii Talyaaniga wuxuu illowsanaa in golihii la talinta uu ahaa qayb ka mid ah wisaayada.

Lama oran karin dhab ahaan Talyaanigu wuxuu maamulkii ku wareejiyay oo uu gacanta u geliyay shacabka Soomaaliyeed maaddaama uu si dadban u maamulaayay golahaasi wasaaradeed.

Xaakinkii maamulka Talyaaniga ee Soomaaliya Mario Distefano wuxuu dadkiisa Talyaaniga ahaa ee ku haraayay Soomaaliya u sheegay intuusan ka anbabixin Soomaaliya: in mustaqbalkoodu uu dammaanad yahay una eegaan si ay degganaan ku jirto, Soomaaliyana ay ku joogi doonaan welwel la’aan, Talyaaniguna uu markasta ahaanayo mid idin dhow oo aan idinka fogayn, xaakinku wuxuu intaas ku daray in uu dadaal weyn u galay sidii ay siyaasadda cusub ee Soomaaliya wisaayada kaddib ay u ilaalin lahayd xorriyaddiina loona badbaadin lahaa wixii hanti ah ee aad ku leedihiin Soomaaliya, waxaana Soomaaliya ku yeelanay buu yiri xaakinkii saaxiibo dhab ah.

Xibigii S.Y.L. wuxuu qaban qaabiyay dhacdooyin fara badan oo uu kaga soo horjeeday gumeystayaasha, waxaana dhacdooyinkaasi ka mid ahaa:

-Dhacdadii 11ka Jannaayo: 11kii jannaayo 1948kii wuxuu xisbigu diyaariyay mihrijaan si loogu horsameeyo guddigii xaqiiqa raadinta ahayd kana socday afarta dawladood ee ugu waaweyn adduunka, waxaana mihrijaankaas ka naxay wakiilkii gumeysiga Talyaaniga ee joogay Muqdishow, wuxuuna ku dhaqaaqay shirqoollo liddi ku ah shacabka Soomaaliyeed, isagoo adeegsaday koox Soomaali ah oo dabadhilif u ahaa gumeysiga, si loo baajiyo mihrijaankaas, kooxdaasi waxay weerar ku qaadeen xaruntii xisbiga, taasina waxay keentay in dadkii dhammaan ay u cararaan xaruntii xisbiga si ay u difaacaan xaruntooda.

Xisbigu wuxuu ogaaday in danta gumeystaha Talyaaniga uu ka lahaa arrintaasi ay ahayd in uu fidno iyo qalalaase ka dhex abuuro shacabka Soomaaliyeed adduunkana uu dareensiiyo in ay jiraan qaar Soomaalida ka mid ah oo doonaya noqoshada Talyaaniga, iska hor-imaad ballaaran ayaana halkaasi ka dhacay, waxaana ku naf waayay Soomaali badan oo ay ka mid ahayd Xaawo Cismaan Cali (Xaawo Taako), qaar kalena wey ku dhaawacmeen, gumeystaha iyo dabadhilifyadiisuna qaar baa kaga dhintay, kuwo kalena wey ku dhaawacmeen.

Xisbigu wuxuu kaloo qaban qaabiyay:

-dhacdadii Jikjiga: bishii Maarso 1948kii waxaa dagaal kulul ah isaga hor-yimaadeen xubnihii xisbiga ee Jikjiga iyo ciidankii gumeysiga Ingiriiska halkaasoo naftood hurayaal badan ku geeriyoodeen.

-Dhacdadii dhagaxtuur: 5tii Oktoobar sannadkii 1949kii waxaa magaalada Muqdishow ka dhacay dagaal ay shacabka Soomaaliyeed dhagxaan kaga hortageen gumeystihii Ingiriiska iyagoo diiddanaa kana soo horjeeday wasiirada arrimaha dibedda ee Ingiriiska iyo Talyaaniga oo ay qaramada midoobay u gudbiyeen mashruuc uu Talyaanigu dib ugu soo laabanayo Soomaaliya shuruud la’aan.

Xisbigu wuxuu abaabulay bannaanbaxyo uu kaga hortagayo mashruucaas, gumeysigii Ingiriiskuna wuxuu shacabkii u adeegsaday rasaas, wuxuuna u geestay dil naxariisdarro ahayd iyo xarigba, shacabka Soomaaliyeed ee waddaniyiinta ahna waxay kaga hortageen dhagxaan, wuxuuna Ingiriisku halkaas ku dilay lix qofood tobaneeyana wuu ku dhaawacay.

Bannaanbaxyo noocaas oo kale ah ayuu xisbigu ka abaabulay gobollada dalka, wuxuuna Ingiriisku ku soo rogay amar degdeg ah gobollada dalka gaar ahaan magaalada Muqdishow, wuxuuna albaabada u xiray dhammaan xafiisyadii xisbiga wuxuuna madaxdii iyo xubnihii xisbiguba u taxaabay xabsiga.

-Dhacdadii Baydhabo: bishii april sannadkii 1950kii maamulkii Talyaaniga isagoo adeegsanaya koox Soomaali ah oo dabadhilif u ah iyo ciidankiisa boliska ahaa waxay weerar ku qaadeen xubnihii ku sugnaa xafiiska xisbiga S.Y.L. ee magaalada Baydhabo waxayna qudha ka jareen shan ruux oo xubnihii xisbiga ka mid ahaa dad badan oo kalena wey ku dhaawaceen, waxayna boobeen hantidii xisbiga, waxay kaloo gubeen hantidii ay lahaayeen xubnihii xisbiga, waxay kaloo dab qabad siiyeen xaafad dhan oo ay degganaayeen xubnihii xisbiga S.Y.L. laantiisa Baydhabo.

Xisbigii S.Y.L. wuxuu dacwad u gudbiyay qaramada midoobay wuxuuna weydiistay in Talyaanigu uu magdhaw ka bixiyo wixii khasaarooyin ahaa ee uu gaarsiiyay xaruntii xisbiga iyo xubnihiisaba, Talyaanigu wuxuu qaramada midoobay u ballan qaaday in uu bixin doono magdhawgaas, hayeeshe wax uu bixiyay ilaa iyo imminka ma jiro.

-Dhacdadii Kismaayo: 2dii Agosto sannadkii 1952kii wuxuu xisbiga S.Y.L. qabanqaabiyay bannaanbax looga soo horjeeday macaamil xumadii uu xaakinkii Talyaaniga kula kacayay xubnihii xisbiga isagoo u diiday in ay si xorriyad leh ugu fushadaan hawlahooda dhaqdhaqaaqa ah.

Boliskii Talyaaniga wuxuu dadkii bannaanbaxaayay kula kacay dil isagoo adeegsanaayay qoryo, qaar badana wuxuu u taxaabay xabsiga, shacabkii Soomaaliyeedna waxay isaga dhiciyeen ulal iyo dhagxaan.

Falalkaas uu Talyaanigu sameeyay waxaa aad uga carooday golihii la talinta wuxuuna ku tilmaamay mid argaggixiso ah oo khilaafsan go’aanada wisaayada, wakiilkii Filibiin ayaa warbixin arrinkaasi ku saabsan u gudbiyay qaramada midoobay, haseyeeshe maamulkii Talyaanigu wuxuu isaguna dhanbaal u diray qaramada midoobay isagoo ku eedeeyay wakiilkii Filibiin in uu qalalaaso wado, wuxuuna dalbaday in laga saaro golaha la talinta, taasina waxay keentay in wakiilkii Filibiin laga saaro Soomaaliya.

Shirqoollada Ingiriiska iyo Talyaaniga ay ku hayeen shacabka Soomaaliyeed ayaa maalinba maalinta ka sii danbaysay sii kordhaysay waxayna hujuum ku qaadayeen golihii la talinta iyagoo ujeeddadoodu ahayd in golehaasi la baabi’iyo, waa inoo berri iyo qaybtii 7aad inshaa Allah.    

Facebook: Maxamed Xaaji Maxamed Xuseen Maxamedeyn

Whatsapp: 0685732185

Halkan hoose riix kalana soco qaybtii 1aad:

http://www.somaliweyn.org/2020/05/06/halgankii-s-y-l-iyo-geesiyaashooda-u-soo-halgamay-sidii-ay-dalkooda-uga-xorrayn-lahaayeen-gumeystaha

Halkan hoose riix kalana soco qaybtii 2aad:

http://www.somaliweyn.org/2020/05/08/halgamayaashii-dhabta-ahaa-waxaa-lagu-beddalay-kuwo-dhalanteed-ah-taariikh-been-ahna-waa-loo-sameeyay-dhallintiina-wey-wareereen

Halkan hoose riix kalana soco qaybtii 3aad:

http://www.somaliweyn.org/2020/05/10/intii-taallooyin-loo-suri-lahaa-halgamayaasha-waxaa-ka-wanaagsan-in-dhallinta-soo-koraysa-la-baro-taariikhda-halgamayaashooda-dhabta-ah

Halkan hoose riix kalana soco qaybtii 4aad:

http://www.somaliweyn.org/2020/05/11/taariikhyahannada-iyo-qorayaasha-waxaa-laga-doonaya-in-ay-soo-saaraan-qoraallo-iyo-buugaag-ay-ku-xusayaan-geesiyaashooda-u-soo-halgamay-dalkooda

Halkan hoose riix kalana soco qaybtii 5aad:

http://www.somaliweyn.org/2020/05/14/gumeystayaashii-dadkeena-ku-dul-soconayeen-baa-dad-danaystayaal-soomaali-ahi-u-sacabo-tumayeen