Ciidamada dawlada iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay duleedka magaalada Baydhabo.

Muqdisho:-Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa waxa uu dagaal ku dhexmaray duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhashay khasaare kala duwan, iyadoona lagu dilay xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha dawlada ee hoggaaminayay ciidamada dawlada.

Dagaalkan ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli ciidamada dawlada Soomaaliya ee ku sugan deegaannada Koofur Galbeed Soomaaliya ay kordhiyeen hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab , kuwaas oo ay ka samaynayaan deegaannada maamulkaasi.