Puntland oo shaacisay kiisas hor leh oo Coronavirus ah.

Guddiga arrimaha Coronavirus ee deegaanada Puntaland ayaa shaaciyey kiisas cusub oo cudurka COVID19 ah.

Warbixin xalay kasoo baxday Guddiga ayaa lagu sheegay in sideed qofood laga helay xunuunka saacadihii u dambeeyay, sidoo kale laba qof ayaa lagu sheegay warbixinta inay kasoo bogsatay xanuunka.

Ma jirin wax dhimasho ah oo uu shaaciyey guddiga waxayna sideedka qofood ee laga helay cudurkas ku noolyihiin gobolka Nugaal oo kaliya.

Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus ee deegaanada Puntland ayaa gaartay 98 xaaladood, dhimashada uu sababay xanuunkaas ayaa gaartay 4 ruux, halka bogsashadu ay mareyso seddax qof.