Militariga K/Afrika oo bilaabay inay jir dil u geystaan Soomaalida,islamarkaana galaan goobahooda Ganacsiga.

Muqdisho:-Ciidamo badan oo tirsan milirariga dalka Koofur Afrika ayaa bilaabay in ay bartilmaameedsadaan soomaalida ku nool dalkaasi, inta lagu jiro bandowga saaran dalkan.

Qaar ka mid ganacsatada Soomaalida ayaa sheegay in ciidamada militariga dalka koofur afrika ay bilaabeen inay gudaha u galaan goobaha ganacsiga Soomaalida, iyagoo jir dil iyo xarig u geysanaya.

Wararka ayaa intaasi waxay ku darayaan in ku dhawaad tobaneeyo Soomaali ah lagu xiray dalka Koofurka Afrika inta uu dalka saaran yahay Bandowga.

Dhanka kale arintan ayaa dhibaato xoogan waxay ku tahay ganacsatada Soomaalida, iyadoo xiligan soo wajahday cabsi xoogan.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay laamaha amaanka dalka koofur afrika, taasi oo ku aadan in ay ka hadlaan jir dilka iyo xariga ay ciidamada militariga u geysanayaan soomaalida ku nool dalka koofur afrika

Soomaali badan ayaa xiligan waxaa ay ganacsi ku leeyihiin dalkan joofurka afrika, xili ay xusid mudan in madaxweynaha dalka koofur afrika uu sheegay in la kordhiyay bandowga saaran dalka koofur afrika