Maamulka G/Banaadir oo ku goodiyay inay ka hortagayaan weerarada hoobiyeyaasha ah.

Maxamed Cabdullaahi Tuulax Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in degmooyin ka mid ah kuwa Galbeed ee Gobolkan Banaadir ay ka socdaan howlgallo Amniga lagu xaqiijinayo, islamarkaana looga hortagayo falal amni darro oo ay ka fuliyaan Al-Shabaab.

Gudoomiyaha wuxuu sheegay in dhowr jeer degmooyinka Galbeed ee gobolkan Banaadir laga soo tuuray hoobiyeyaal lagu weeraray Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Muqdisho,hayeeshee Maamulka Gobolka Banaadir iyo laamaha Amniga ay u diyaarsan yihiin inay weeraradaas ka hortagaan.

Wuxuu Gudoomiye Tuulax hadalkiisa intaasi ku daray in laamaaha amniga Soomaaliya looga baahan yahay inay dardar geliyaan howlaha sugida Amniga,isla markaana ka hortagaan cid kasta oo lidi ku ah amniga,wuxuuna u mahad celiyay Ciidamada howlgallada ka wada Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Hadalkan ayuu ka soo yeeray Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax xilli xalay uu howlo kormeer amni ah ku tegay degmooyinka Galbeed ee Gobolkan Banaadir,sida Wadajir, Dharkeenleey iyo Kaxda ee Magaalada Muqdisho.