Hay’adda WHO oo walaac ka muujisay Cudurka Covid 19.

Hay’adda Caafimaadka Dunida oo sheegtay in caabuqa Karona, uusan caalamka kaga dhamaaneen si sahlan.

Hay’adda Caafimaadka Dunida ee WHO, ayaa ka digtay in caabuqa Karona-Fayras uu dunida kaga dhamaan karin si sahlan.

Madaxa hay’addan u qaabilsan xaaladaha deg dega ah ayaa Arbacadii sheegay in aan lasaadaalin karin xilliga uu dhamaanayo Fayriskan.

Waxa uu intaasi ku daray xitaa haddii lahelo talaal lagu xakameen karo in wali loo baahanayo in lamuujiyo dadaal dheeraad ah.

Ku dhawaad 300,000 oo ruux ayaa dunida oo idil Covid-19 ugu dhimatay halka in kabadan 4 milyan oo ruuxna uu soo ritay