Gumeystayaashii dadkeena ku dul soconayeen baa dad danaystayaal Soomaali ahi u sacabo tumayeen

Waxaa soo diyaariyay: Maxamed Xaaji Maxamed Xuseen (Maxamedeyn)

Qaybtii 5aad iyo halgankii S.Y.L., isla maalmo yar kaddib Xaaji Maxamed Xuseen wuxuu ka soo jawaabay warqaddii uu ka helay Aden Cabdulle Cusmaan,wuxuuna warqaddiisa ku bilaabay:

Walaalkaygii qaaliga ahaa, Aden Cabdulle Cusmaan

Marka hore waxaan kuu soo dirayaa salaan wanaagsan oo nolol ku jirto.

Waan helay warqaddaada, si farxad leh ayaana ku akhriyay, waxaana kaaga mahad celinayaa hanbalyadii aad ii soo dirtay oo aad igu tiri: xisbigii wuu ku doortay kalsooni buuxda ayuuna ku siiyay, shacabka Soomaaliyeedna raalli bay kaa yihiin, waxaana Allah ka baryaya in uu na waafajiyo hoggaaminta shacabka weyn ee Soomaaliya, aniguna aan ahaado kii lagu kalsoonaaday kan ehelka u ah, kalsoonidaasoo aan anigu ictibaarinayo mid qaali ah in ay tahay oo xisbigu igu aaminay, noloshayda oo dhanna waxaan u hibeynayaa oo aan ugu adeegayaa shacabka Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo gobannimo buuxda, loona helo midnimo iyo horumar.

Waxaan aad ugu farxay waxa aad warqaddaada ku xustay oo ah in waddankeenu uu u baahan yahay degganaansho, dhaqaalihiisa oo la xoojiyo, dadaalkana la wado ilaa laga xaqiijinayo gobannimada dalka, waxaana rajeynayaa haddii Allah idmo in aan waddanka ku soo laabto horaanta bisha Oktoobar anigoo qaadayo mas’uuliyaddii iyo ammaanadii uu xisbiga S.Y.L. i saaray, lillaahinimona aan u guto oo aan qabiil ku jirin, eexasho ku jirin, fiiro gaabaan ahaaneedna aanay ku jirin, waxaana kula rajeynayaa oo aan kula qabaa in Soomaaliya aysan ku yeelan cadow, galbeedka iyo bariga midna, laakiinse saxiibkaygiiyow waxaad iga oggolaataa in aanan kugu raacsanayn oo aan kugu waafaqsanayn qaar ka mid waxa aad warqaddaada ku xustay oo aad ku muujisay.

Waxaa waajib innagu ah in aan garano sidii aan u kala saari lahayn saaxiibkeena iyo cadowgeena, waa in aan si caddaan ah oo hubaal ah ugu foojignaanaa kumaa garab inoo ah oo dhinaceena taagan iyo kumaa naga soo horjeeda oo aan garabkeena taagnayn, kala saarid la’aantaasina waxay keenaysaa in ay naga lunto khadkii toosnaa ee halgankeena siyaasadeed.

Anigu waxaan soo dhoweynayaa saaxiibtininmada dunida iyo shucuubteeda iyo in uu na dhexmaro iskaashi iyo wax wadaqabsi, hayeeshe waxaanu diiddanahay in madaxbannaanida dalkeena iyo xaqa uu u leeyahay midnimadiisa iyo madaxbannaanidiisa uu dheeldheel ku yimaado ama aan madaxa ugu salaaxno dawladaha qaarkood kaddibna ay wax ka qaataan gobannimada dalkeena, mana noqon karno dad daacad u ah ujeeddooyinka xisbiga iyo baahida shacabkeena haddii aanan dunida ka istaagin, mowqif cad ah oo adag, kalana saari karin saaxiibka iyo cadowga, halgankeena siyaasadeedna aan si caddaan ah ugu xaddidin oo aanan oran kuwa kani yey yihiin, kuwa kanina waa’ayo?, haddii aynan kala saarina ma awoodi karno in aan ku xaqiijino gobannimadeena, degganaanshuhuna macnihiisu ma’ahan is dhiibid mana ahan in xaqa uu shacabkeenu leeyahay la fududaysto oo dawlad ka mid ah dunida aan u fududayno ama aan gacanta u gelino.

Waxaa waajib ah in aan xoog u yeelno degganaanshaha aan dibedda ka doonayno, saaxiib xoog lehna aan la noqono dawladaha saaxiibka nala ah halgankiina aan wadno, dawladaha guulguulaya ama u cagajuglaynaya madaxbannaanideena waa in aan la halgannaa dadaalkana waa in aad wadnaa.

Degganaanshaha aan gudaha ka doonayno ma’ahan in aan noqono geed meel xooran oo iska yaalo oo aan dhaqdhaqaaqin balse waa in aan yeelanaa garasho soona jeednaa, gobannimadeenana waa in aan dhawrnaa kana dhawrno kii xadaya isla markaana aan dhawrno maslaxadda ummadda Soomaaliyeed, waddankeenina degi maayo haddii aanan taageero ka helin shucuubta iyo dawladaha saaxiibka ah kuwaasoo u darban in ay naga kaalmeeyaan kobcinta dhaqaalaheena iyo horumarinta ganacsigeena iyo garashadeena, waddankeenu degi maayo haddii aanan iskaashi iyo wax wadaqabsi lala samayn shucuubta iyo dawladaha saaxiibka ah si loo xaqiijiyo gobannimo taam ah iyo midnimo, waxaan rajeynaya in xisbigeenu uu ku kulmo aragtidaas xaqa ah si uu waddankeenu u helo degganaansho gudaha iyo dibeddaba.

Anigoo qaddarinayo ra’yigaaga ku saabsan khudbooyinka aan ka sii daayo idaacadda Masar waxaanse kuu sheegayaa in aanan kugu raacsanayn waxa aad warqaddaada ku xustay oo aad ku sheegtay in hadalladayda aysan wax faa’iidi ah u lahayn shacabkeena Soomaaliyeed, waxaanan garanayn sida aysan faa’iido ugu lahayn hadalladaas oo lagu dhiiraggelinayo laguna ammaanayo halganka shacabkeena laguna sheegayo taariikhdiisa sharafka leh isla markaana uu daaha ka qaadayo shirqoollada gumeysiga uu kaga soo horjeedo gobannimadeena, midnimadeena iyo hourmarkeena, adigu qudhaadana waxaad tiri oo aad warqaddaada ku muujisay in aan sheegayo oo aan xusayo wax sax ah oo xaqiiqo taariikheed ah, haddii ay arrintu sidaas tahay, side bay markaasi faa’iido ugu jirin shacabkeena Soomaaliyeed?.

Waxaan kuu adkaynaya oo aan kuu sugaya saaxiibkaygiiyow in hadallada aan ka sii deynayo idaacadda Masar ay si dhab ah ugu abuurayso argaggixiso iyo wareer nafsadda gumeystayaasha laabtooduna ay ciriiri gelinayso kuwaasoo ah cadowga shacabka Soomaaliyeed, hayeeshe hadalladayda waxay degganaansho ku abuuraysaa nafsadda shacabkeena Soomaaliyeed.

Waxaad leedahay in aan anigu hujuumayo oo aan weerarayo dadka Talyaaniga ah iyo reer galbeedka, xaqiiqduna waxay tahay in aan anigu hujuumin reer galbeedka hayeeshe waxaan hujuumay gumeystayaasha waxaana difaacay xuquuqda waddankeenu u leeyahay gobannimo buuxda iyo midnimo, hadalladayduna kuma jiro wax xumaan ah ama kalsoonidarro ku ridaysa nafsadda dadka Talyaaniga oo doonaya sida aad sheegayso in Soomaaliya ay ugu shaqeeyaan degganaansho iyagoo aan faraha la soo gelaynin xuquuqda uu shacabkeena u leeyahay gobannimadiisa, hadalladayda waxay xuman ku reebaysaa nafsadda dadka Talyaaniga ah ee doonaya in ay isku ballaariyaan waddankeena una ordaan sidii Soomaaliya ay hoostoodu ugu jiri lahayd, wax macne ah oo ay igu fadhidona ma jirto haddii ay kuwaasi ka carroodaan hadalladayda ama ay igu kalsoonaan waayaan, waayo waxaan haystaa shacabka Soomaaliyeed ee waddaniyiinta ah.

Waddankeenu wuxuu albaabada u furayaa shucuubta oo dhan iyo qof kasta qofkii doonaya in uu shaqo miro leh ka dhaliyo isagoo aan waxba u dhimayn maslaxadda shacabkeena iyo madaxbannaanida qarankeena, waxaan kugu khilaafsanahay in hadalladaydu ay yihiin dacaayad lagaga soo horjeedo reer galbeedka, hayeeshe waa hadallo lagu wacyi gelinaayo shacabkeena Soomaaliyeed, waa hadallo xusuusin waddaniyeed ah oo aan ku difaacayo xuquuqda uu waddankeenu u leeyahay madaxabannaani taam ah, midnimo iyo horumar, hadalkaygu kuma jiro wax tilmaamaya reer bari ama wax ka soo horjeeda reer galbeed, balse waxaan waddankayaga  ka difaacaya kuwa isku dayaya in ay u maalgeliyaan ama ay u gumeystaan danohooda gaar ahaaneed.

Waxaan kuu adkaynayaa in warqaddii aan u diray xubnihii xisbiga S.Y.L. ee aan ku xusay in ujeeddadeenu ay tahay in la taago dawlad Soomaaliyeed oo dhexdhexaad ah xorriyadeedana ay u dhammaystiran tahay si simana ay ugala noolaato reer bari iyo reer galbeed, laakiinse waxaan khibrad u leeyahay oo aan garanayaa in gumeystayaasha ay markasta isku dayaan in dhaqdhaqaaq kasta oo waddani ah oo xornimadiisa u halgamaya ay ku eedeeyaan aragti bari, mana filayo in ay ku khiyaamayso ama ay ku marin habaabiso tuhunkaas baaddilka ah.

Anigoo qaddarinayo waanadaada walaaltinimada ah waxaan kuu sheegayaa in aan wadi doono barnaamijyada aan ka wado idaacadda Masar si aan u difaaco xuquuqda shacabka Soomaaliyeed, shirqoollada gumeystayaashuna aan shaaca uga qaado, xataa marka aan ku soo laabto dalka, waan wadayaa halgankayga oo aan u hibeeyay waddankayga.

Ugu danbayn waxaan rajeynaya in hadalladii ina dhex maray aysan ku koobnaan ra’yigayga iyo ra’yigaaga balse ay noqdaan oo ay gaaraan heer xisbi ah oo ay nagala qaybgalaan xubnaha xisbiga, waxaadna ogaataa in nolosheena, afkaarteena iyo halgankeenuba uu iska leeyahay xisbiga S.Y.L., xisbigaasoo milki u leh shacbiga Soomaaliyeed, sidaasi daraadeed warqaddii aad ii soo dirtay iyo jawaabtii aan ka bixiyayba waxay gelayaan taariikhda Soomaaliya oo aan cidna lahayn.

Dhowaan waxaanu ku kulmi doonaa haddii Allah yiraahdo dhulka dagaalka, dhulka Soomaalida qaddarinta mudan.

Maxamed Xuseen

Taariikh 11/09/1957

Waa inoo berri iyo qaybtii 6aad inshaa Allah.

Halkan hoose riix kalana soco qaybtii 4aad:

http://www.somaliweyn.org/2020/05/11/taariikhyahannada-iyo-qorayaasha-waxaa-laga-doonaya-in-ay-soo-saaraan-qoraallo-iyo-buugaag-ay-ku-xusayaan-geesiyaashooda-u-soo-halgamay-dalkooda