Ciidamada Dowladda oo qaaday Howlgal Saraakiil Shabaab ah lagu dilay.

Taliyaha Ciidanka dhulka S/Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa u sheegay Warbaahinta ku hadasha Afka Ciidamada in howlgalka laga fuliyey Kabtan laas oo ah meel isgoys ah iyo tuulada Buulo Sheekh oo u dhexeeyso Janaale iyo degmada Qoryooleey,isla markaana lagu dilay Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsan degmada qoryooleey iyo degaanada hoos yimaada iyo 5 Xunood oo kale.

Taliyaha wuxuu sheegay in dadka lagu dilay uu ka mid yahay Sarkaal lagu Magacaabi jiray Cabdi Muxsin Sheekh Xuseen (Abuu bakar),isla markaana howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonaan ilaa laga soo afjarayo.

Ma sheegin Taliyaha khasaare ka soo gaaray Ciidanka dowladda howlgalka ay ka fuliyeen inta u dhaxeysa deegaanka Janaale iyo degmada Qoryooleey, hase yeeshee wuxuu sheegay in weli ay howlgallada socdaan.

Dhanka kale Al-Shabaab weli dhankooda wax war ah kama soo biixn oo ku aadana in Sarkaal ka tirsanaa looga dilay dagaal ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.