Imaaraatka oo diyaarad wada agab looga hortagayo faafidda Coronavirus u soo dirtay Soomaaliya.

Deeqdaan Isu tagga Imaaraatka Carabta ay usoo dirtay Soomaaliya waxaa loogu talagalay kahor tagga faafidda Fayruska Coronavirus oo kiisaska laga helay dalka ay gaareen 1,170-ruux guud ahaan.

Kaalmada ayaa labo qaybood kala ah, waxa ayna ku kala wareejiyeen Hay’adaha Cunnada Qaramada Midoobay WFP iyo Qaxootiga oo iyanna loosoo gaabiyo UNHCR.

Diyaaradda shixnadda gargaarka Imaaraatka Carabta kasoo qaaday ayaa saacadaha Soo socda la filayaa in ay kasoo degto Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho si Dowladda Federaalka loogu wareejiyo.

Sheekh Maxamed Bin Rashiid Al Maktuum madaxweyne ku xigeenka iyo ra’iisul wasaaraha Imaaraadka Carabta ahna Amiirka Dubai ayaa bixiyay amarka kaalmadaan loogu soo diray Soomaaliya.

Kaalmada ayaa gaareysa 35 tan, waxaana agabka saaran kamid ah Mashiinka dadka neefta aan qaadan Karin siiya (Ventilators), Marada jilcan ee Afka iyo sanka dhowrta (Face Mask), agabka ay adeegsadaan howlwadeenada Caafimaadka ee la tacaalaya soo afrajidda cudurka.

Madaxa Hay’adda UNHCR ee Imaaraatka Carabta ayaa sheegtay in gargaarkaan ay ku wareejin doonaan Xukuumadda Soomaaliya si loogu faaiideeyo dadka u baahan ee ku habboon sidaas awgeed si deg deg ah ay kusoo gaarsiinayaan Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa wehliya agabka Caafimaadka gargaar kale oo lagu samatabixinayo dad badan oo gudaha dalka ku barakacay, kadib markii deegaanadooda ay ka dilaaceen aafooyinka dabiiciga ah.

Isugu tagga Imaaraatka Carabta ayaa dhawaan kaalmo wax looga qabanayo faafidda Covid-19 ku wareejiyay Dowladda Federaalka, waxaana gargaarkaan uu qayb ka noqonayaa dadaalada kala duwan ee looga hortagayo faafidda cudurka Coronavirus oo saameyn taban ku yeeshay 212-dal.