Howlgal aan caadi ahayn oo Ciidamada K/Afrika ka wadaan Xaafadda Ganacsiga Soomaalida Cape Town ee Bellville.

Xaafadda Ganacsiga Soomaalida Cape Town ee Bellville, ayaa saakay ku waabariisatay hawlgal lama filaan ah oo ay Militari iyo Ciidamo kale oo Boolis iyo Law enforcement u badan ka wadaan halkaasi, iyadoo la arkayey Gawaarida oo yaalla Wadooyinka gala ama ka baxa Xaafadda.

Durban Road oo Halbowle u ah Xaafadda ayey Askartu si gaar ah u taagan yihiin, Dadka, ayaa la waydiinayaa Sharciga Dal ku joogga iyo Shatiga ama Licence-ka lagu wado Baabuurta.

Teendhooyin ayey sidoo kale Militarigu ka dhisteen qeybo ka mid ah Jidadka muhiimka ah.

Bellville, oo sidoo kale deegaan u ah Soomaalida, ayaa waxaanan ka jirin Xaalad Bandow ah oo ay Shacabku si caadi ah isku dhex yaacayaan, waxaana maalmihii lasoo dhaafay la arkayey Ciidamo dhar cad ah oo Sawiro iyo Clips ka qaadaya, taasoo sida la leeyahay keentay hawlgalkan deg degga ah.

Ganacsatada ku soo socda Bellville, feejignaan ku soo gala, Foolka soo xirta, si koox koox ahna ha u istaagina si aysan Askartu idinkugu mashquulin.

WD: Abdulrazak IndhaJaceyl.