Nabadsugidda Puntland oo Boosaaso ka sameysay Howlgal lagu soo qabanaayo dad ay la xiriiriyeen Daacish iyo Al-Shabaab.

Nabadsugidda Dowlad Goboleedka Puntland ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, kadib markii saraakiishu sheegeen in ay heleen xogo amniga la xiriira.

Ciidamada ayaa xaafadaha ay ka howlgalayeen waxa ay u baareen guri guri, kadibna waxa ay la baxeen shaqsiyaad ay kaga shakisan yihiin in ay katirsan yihiin Al-Shabaab iyo Daacish sida mas’uuliyiin ammaanka laga soo xigtay.

Nabadsugidda ayaa dadka qaarkood sii daayay, kadib markii su’aalo kooban iyo baaritaanno ay ku sameeyeen, waxaana shaqsiyaadka qaar ay ka shakiyeen la aadeen xarumahooda baarista oo kahor howlgalka ay kasoo ambabaxeen.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maalin kahor bogaadiyay howlgal qorsheysan oo ay sameeyeen ciidankaan Nabadsugidda kadib markii ay kahor tageen weerar ay damacsanayeen kooxda daacish.

Howlgalkaas ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana hay’adaha ammaanka Dowlad Goboleedka Puntland ay soo bandhigeen hub iyo gaadiid ay ka furteen kooxdii ay dagaalka ay la galeen.

Dhulka buuraleyda ah ee Gobolka Bari ayay ku xooggan yihiin Al-Shabaab iyo Daacish, dhowr jeer waxa ay Boosaaso ka geysteen dilal, qaraxyo iyo weeraro loo adeegsaday hoobiyaal oo lagu tuuray xarumaha Ciidamada Puntland ay ku leeyihiin Xarunta Gobolka Bari.