Maxaa loo xushaa Doqomada ? =Faallo Cajiib ah=

Haddii Isticmaar ama Kali talis ama koox aan ka tirsaneey Deegaanka, kana timid wadama kale ey Xukumayaan Dal Dunida ku yaal, waxaa caado soo jireena ah in mujtamacaas ey ka xushaan kuwooda ugu liito, si ey xukunka ugu ilaashadaan, Dalkuna uuna u horuumarin. taa oo aheyd dhaqan soo jireen ah.

Somaliduna Horeey sugaan ugu cabirtay.

1. Waqtigii isticmaarka ayaa Goballada waqooyi Ingriisku waxa uu mujtamaca ka xushay kuwo aan u nexeeyn Dadkooda oo Duqomo ahaa. Suugaantii lagu cabiray ayaa aheeyd:

(( Alahayoow Farnjigu muxuu Doqon fariideeyay, Nimaan Aabihii fuuli jirin faras muxuu saaray)).

2. Isticmaarkii Talyaaniga ayaa markuu yimid Gobalka Shabeelaha dhexe, ayaa Gudoomiyihii Degmada ( Radandihii Talyaanigu ) waxa uu Ciidan u qortay oo qalabkii Ciidanka ugu labisay, kuwii Raabaqa ahaa ee Dadka ugu liitay, suugaantii lagu cabiray ayaa aheeyd:

(( Rasanda Gaal Dad waa rabaa, hadoowba rartay Raabaqaan)).

3. Isticmaarkii ayaa markuu yimid Magaalada Mogadishu, mid doqon ahaa oo Dukaamada xamaali ka ahaa, ka dhigtay Ciidan si uu Dadkiisa u soo xirxiro. Suugaantii lagu soo shiray ee lagu cabiray ayaa aheeyd:

(( Aduunyo Xaalkeed sidu waaye, Muumin Aweeysaa talihaayo )).

4. Haddii aad xasuusato waxaa jiray sugaan lagu cabiray Guulwada yaashii kacaanka oo laga soo xuli jiray kuwa mujtanaca ugu liitay, hadase ma xasuusto Suugaantaa. waxaa kale oo jiray Suugaan ka hadleeysay Doqonka oo Abwaan Cabdi Dhuux uu ka tiriyay Guud ahaan Doqonta.

5. Qur’aanka ayaa lagu yiri:

((Haddii Boqoradu ( kuwa Awooda leh oo deegaanka ama Dalkaa ka banaanka ka yimid.. Haddii Boqoradu ey soo galaan Magaalo, waa fasahaadiyaan, mujtamacaa kuwooda Cisiga leh ayeeyna ka dhigaan kuwo Duleeysan)).

Adigu maxaad ka xasuusataa wixii Diintu ka tiri: Xukun loo dhiibo Dad aan leheeyn sifadii Xaakimka,iyo Suugaantii Somalidu ku cabirtay Doqon muunadeeyska ? Maxaase Doqonta loo xushaa?.

Qore: Yahya Amir