Xasan Muudeey:- ”Maanta ka hor nama soo gaarin dhaqaalaha, …maalmahan shacabkeenu isweydiinayeen…”

La taliyaha dhanka warbaahinta Hirshabelle State Xasan Cabduqaadir Muudeey ayaa xaqiijiyay in ay soo gaareen dhaqaalihii dowladda dhexe, Jabuuti iyo gudiyada heer qaran.

Bartiisa facbooka ayuuna ku sharraxay sida ay usoo gaartay dhaqaalaha ay maanta heshay dowladda Hirshabelle State, sidaan ayuuna uqornaa:-

“Lacagaha maanta nasoo gaaray waxey nasoo gaareen maanta oo taariikhdu ku asteysan tahay 10 bisha may marka uu gaaray madaxweynaha dowladda Hirshabelle State Dr Mohammed Abdi Ware magaalada xarunta ganacsiga Hirshabelle State ee Baladwayne.

Waxaan lacagahaasi gaarsiin doonnaa saacadaha soo socda gudiyadii aan laheyn ee Hiiraan, waxeyna si cadaaladeed loo gaarsiin doonaa dhacabkeena iyo deegaannadeena.

Majirin lacago horay noo soo gaaray oo kahorreysay maanta, waxaana shacabkeena u xaqiijinnay taariikhda ay nasoo gaartay iyo meelaha ay naga soo kala gaartay.

Hirshabelle State mas’uuloyiinteedu waxey xaqiijin doonaan in shacabkeena helaan xuquuqaha loogu tala galay.

Waxaa nasiib darro ah in wax aana horay noo soo gaarin Xildhibaan deegaan doorashiisu tahay Hirshabelle State uu warbaahinta kasheego in lacagahaasi ay nasoo gaartay waliba uu isaga marqaati ka ahaa.

Waxaan sidoo kale baraha bulshada ku arkayay shaksiyaad qaadtay hadalka xildhibaanka ujeedo kasta haba ka lahaadeena, waana nasiib darro kale.

Shacabka Hirshabelle State waxaan lawadaagayaa in ay muujiyaan midnimo iyo xaqiijinta waxyaabaha ay xaqqa u leeyihiin.

Deegaannadeenu badanaa waxey muddooyinkii ugu danbeeyay tabasho kaqabeen cadaalad darro iyaga ugaar ah, taasoo mararka qaar eedaha annaaga naloo soo jeedinayay.

Hirshabelle State waxey ku dadaalaysaa in dadkeeda iyo deegaannadeeda helaan wax kasta ay ubaahan yihiin, una caddeyso wixii soo gaara iyo wixii ka maamul ahaan aan u awoodi karno.

#MIDNIMADAHIRSHABELLESTATEWAAMUQADDAS
Mudey
Senior adviser president of the Hirshabelle.
Hassan Abdulkhader Mudey