Waa saxnaa Asgarigii soo riday Dayaaradda ee Annaga khaldaneeyn!!!.

Xaq ayaan u leeyahay in aan difaaco Dalkeeyga Somalia. Hore ayaa Dalkeeyga loogu soo xadgubay Badd iyo Berriba, haddana waxaa lagu soo xadgudbay Hawadda Dalkeeyga. waa ceeb in Dalkaaga uu Asgari Dal kale u dhashay uu si Sharci daro ah Dayaarad Shacab ugu soo rido. taasi waxa ey saameeynee Duulimaadyada Shibilka ah ee Somalia imaanayo iyo Ceymiska Dayaaradaha imaanayo Somalia.

Dayaaraddaa African Express 711 type E120, kuma jirin Duulimaad Caalami ah, waxa ey ku jirtay Duulimaad Gudaha ah, Mogadishu – Baydhabo- Bardaale- Mogadishu. waxa eyna waday Agab Samafal, waxa ey sababsatay qori ahaa ZU 23 oo ey lahaayeen Ciidamada ethiopian ah oo aan ka mid aheeyn Ciidamada AMISOM.( F.S: 1-6aad)

waxaan u tacsiyeeynayaa Qooysaskii 5 tii Ruux ee ku geeriyootay oo isagu jiray Kenyati iyo Somali.

Asgarigu muxuu ku saxnaa?.

Asgara Etobiyaanku wuu saxnaa ee Anagaa khabar moog ah. Asgariga waxaa laga soo bedelay Gudaha Ethiopia, waxaana loo soo diray Bardaale, waxaana lagu yiri: Bardaale waa Magaalo ka mid ah Dalka Ethiopia.

Asgarigu Bardaale wuxuu u heeystay dhul Ethiopia leedahay, eyna waajib ku tahay in uu difaaco Dalkiisa, isaga oo fulinayo amarkii la siiyay ee ahaa difaaca Dalkiisa oo loogu sheegay in Bardaale ku jirto, Aqoon yaradiisa deegaan iyo Amarka khaldan ee Taliyihiisa ayaa u geeysay in uu si gar daro ah u soo rido Dayaarad Shacab.

kuwa aan ogeeyn in Bardaale ey Dalkooda ka mid tahay ee dayacay waa Annga.

Asgarta Etoobiyay ogaada, in bardaale tahay Dhul Somali, sidoo kale Boorame, Burco, Baardheere, Berbera, Baladweyn, Baargaale, Bu’aale, Buula Burte, Buur hakabo, Balnbale, Buuhoodle, Basro, Balad xaawo, Balad Amiin, Balcad, Bashaqle, Bud bud, Bosaaso iyo kuwa kale oo badan waa Dal somali.

Anaguna aan ogaano, Asgarigii loo sheegay in Bardaale ey tahay Magaalo Amxaaro, hadduu Dayaarado soo riday. kan berri loogu sheekeeyo in Boondheere Balad Amxaaro tahay, isaguna Shimbiraha ayuu soo Ridi doonaa.

Ethiopia hadeeyba hoog ku socotaa, oo Abiye waxa uu ku xad gudbay Dastuurka Ethiopia, Qodobka 93aad, Faqrada 1-6 ee la xiriirto Dib u dhigada Doorashada.

Bardaale anaa iska leh, Difaaca Dalkuna waa igu waajib, Asgariga la khaldoow Dayaaradu waxa ey Dul mareeysay Hawada Somalia. Waad ku khasban tahay in aad fuliso Amarka taliyahaaga, laakin Amar khaldan ayaa lagu siiyay.

Qore: Yahya Amir