Madaxweyne Uhuru “Bandowga Islii lagu soo rogay gaar uma ahan Soomaalida..”

Nairobi:-Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Kenya Fred Matiangi oo booqday xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii ayaa kulamo la qaatay hoggaanka sare ee xaafadda.

Mas’uuliyiinta uu xaafadaas kula kulmay wasiirku waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Yuusuf Xasan oo laga soo doortay deegaanka Kamakuji oo ay ka tirsan tahay xaafadda Islii.

Ujeedada socdaalka wasiirka ayaa lagu sheegay inay tahay fariin uu ka siday Madaxwayne Uhuru Kenyatta, taas oo ku saabsan in bandowga Islii lagu soo rogay uusan gaar ku aheyn Soomaalida.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Kenya ayaa ku cel-celiyay in bandowgaasi uu san aheyn mid lagu beegsanayo Soomaalida iyo muslimiinta kale toona, balse uu qayb ka yahay dadaallada lagu xakameenayo xanuunka COVID-19.

Kenya waxay ka mid tahay dalalka Geeska Afrika ee uu sida aadka ah u saameeyey cudurka Coronavirus, xaafadda Islii iyo magaalada Mombasa ayaa maalmihii lasoo dhaafay laga diiwaan geliyay kiisas aad u badan, waxayna ka mideysan yihiin bandowga ay soo rogtay dowladdu.

Xildhibaan Yuusuf Xasan oo kulanka ay la yeesheen Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Kenya kadib warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey qodobadii shirkaas looga hadlay, kuwoodii laysku afgartay, waxuuna shacabka ugu baaqay inay ku qancaan soo jeedinta dowladda.