Intii taallooyin loo suri lahaa halgamayaasha, waxaa ka wanaagsan in dhallinta soo koraysa la baro taariikhda halgamayaashooda dhabta ah

Waxaa soo diyaariyay: Maxamed Xaaji Maxamed Xuseen (Maxamedeyn)

Qaybtii 3aad iyo halgankii S.Y.L.,Yaasiin Xaaji Cusmaan iyo Cabdulqaadir Sheekh Sakhaawadiin iyo Xaaji Maxamed Xuseen ayaa markii hore is-arkay oo wada kulmay kana sheekaystay dhibka ay gumeystayaashu ku hayaan dadka iyo dalka Soomaaliyeed, waxayna markii danbe isla garteen in loo yeero dad kale oo lagu kalsoon yahay daacadna u ah dadkooda iyo dalkooda, waxay markaasi u yeereen dhallinyaro kale oo qiiro waddaninimo iyo daacadnimo ka muuqatay, waxayna sidaas ku noqdeen 13 dhallinyaro oo geesiyaal ah.

13kaas dhallinyaro oo naftood hurayaal ahaa waxay isla garteen in ay marka hore furaan naadi ay ku kulmaan oo ay ku sheekaystaan afkaartooduna isku dhaafsadaan, waxayna naadigaa ugu magacdareen naadiga dhallinyarada Soomaaliyeed (S.Y.C.)., markii danbana wuxuu naadigii isku beddalay xisbi siyaasi ah oo waddani ah, lana magac baxay: S.Y.L.

Xisbigaa siyaasiga ahaa markuu ifka u soo baxay waxaa durba ku soo biiray dhammaan shacabkii Soomaaliyeed ee waddaniga ahaa oo ay isugu jireen dhallinyaro, haween iyo waayeelba, inyar oo gumeystayaasha dabodhilif u ahaa mooye, shacabkii Soomaaliyeed ee waddaniga ahaa waxay u guntadeen taageeridda hiil iyo hooba leh sidii ay u garab istaagi lahaayeen xisbigooda waddaniga ah ee S.Y.L., wuxuuna xisbigu xafiis ku yeeshay dhammaan gobollada dalka iyo meelo kaloo adduunka ka tirsan Soomaaliduna ay ku badan yihiin, sida: Masar iyo Cadan.

Dastuurka xisbiga SYL, waxaa sal u ahaa ku dhaqanka shareecada islaamka, diinta rasmigana ay noqoto diinta islaamka, lana xoojiyo afka carabiga iyo in xiriir adag lala yeesho waddamada carabta iyo waddamada islaamka, xisbigu wuxuu maalmo yar kaddib awooday in barnaamijkiisa uu ku baaho gobollada dalka oo idil kana furo faracyo, mabaadii’diisuna ay meel kasta ku faafto, taasina waxay ka caraysiiysay gumeystayaashii oo aan iyagu marna doonayn in Soomaaliya ay isku timaado.

Ujeeddooyinka xisbiga S.Y.L. waa ujeedooyin si cad u qayixan waxayna kala yihiin:

-In diinta rasmiga ah ee dalka iyo dadkuba lagu maamulayo ay noqoto diinta islaamka.

-In la adkeeyo xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya ummadda Soomaaliyeed, nafsaddooduna lagu abuuro in ay daacad u noqdaan dalkooda.

-In loo hawlgalo madaxbannaanida iyo midaynta dhulalka Soomaaliyeed ee ku hoos jira gumeysiga, si loo gaaro midnimada ummadda Soomaaliyeed, dalka oo idilna laga tirtiro gumeysiga nooc kastuu ahaadaba.

-In la diido fikrad kasta oo ku baaqaysa soo noqoshada uu Talyaanigu dib ugu soo laabanayo Soomaaliya.

-In loo hawlgalo sidii loo cirib tiri lahaa dhammaan caadooyinka xunxun ee bulshada dhex yaalo sida: qabiilka, qaraabakiilka, gobollaysiga iyo wixii la mid ah.

-In la horumariyo aqoonta, hiddaha iyo dhaqanka, laguna dadaalo sidii loo qori lahaa afka Soomaaliga.

-In xoogga la saaro sidii loo horumarin lahaa qaranka dhinacyadiisa siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada.

-In la ixtiramo heshiisyada qaramada midoobay, xiriir wanaagsana lala yeesho shucuubta dunida ee xorta ah jecelna nabadda iyo degganaanshaha.

Xaflad oo hal maalin ku kooban loo sameeyo ama taallooyin loo suro waxaa ka wanaagsan in ummadda la baro taariikhda dhabta ah ee halgameyaashooda waddaniga ah.

Xaaji Maxamed Xuseen wuxuu ka mid ahaa 13kii dhallinyaro oo naftooda u huray in ay dalkooda ka saaraan heeryada gumeystaha, wuxuu kaloo Xaajigu ka mid ahaa saddexdii ruux ee markii hore wadakulmay, waxayna 13kaasi dhallinyaro ku heshiiyeen in ay sameeyaan guddi fulin, waxaana guddigii guddoomiye looga dhigay Sakhaawadiin, Xaaji Maxamedna uu noqdo guddoomiye ku xigeen, Yaasiina xoghayaha guud ee ururka.

Labadii halyey ee Yaasiin iyo Sakhaawadiin kuma aysan jirin xisbiga muddo badan, maxaa yeelay Rabbi ayaa oofsaday, hayeeshe waxay labadaasi halyey ahaayeen dhallinyaro ka muuqatay firfircooni iyo daacadnimo, waxayna naftooda u hureen difaaca dalka iyo dadkuba.

Xaaji Maxamed Xuseen wuxuu fursad u helay in uu ku soo wareego dhammaan gobollada dalka Soomaaliya isagoo ujeeddadiisu ahayd in shacabka Soomaaliyeed uu ka dhaadhiciyo dulmiga uu gumeysigu ku hayo shacabka Soomaaliyeed isla markaana uu shacabka ka dhaadhiciyo barnaamijka iyo ujeeddooyinka xisbiga S.Y.L.

Gumeysigii Talyaaniga wuxuu markaasi bilaabay in uu culays saaro Xaaji Maxamed Xuseen isagoo kula kici jiray falal argaggixiso ah, wuxuuna dhawr jeer u taxaabay xabsiga siiba intuu guubaabada ku jiray, haddii ay noqon lahayd gobollada Soomaaliya ama Muqdishow gudaheeda, gumeysigu wuxuu qabay in Xaaji Maxamed uu yahay furaha xisbiga, sidaas daraadeedna ay habboon tahay in laga takhaluso ama xabsiga lagu hayo, hayeeshe kacaankii ummadda Soomaaliyeed ayaa suuraggal ka dhigi weyday in qorshaha gumeysiga uu fulo ama uu meelmaro, inkastoo uu gumeysigu isku dayay dhowr jeer in uu ka takhaluso Xaajiga.

Sannadkii 1948kii waxaa Xaaji Maxamed loo doortay in uu madax ka noqdo S.Y.L., Cabdullaahi Ciisane waxaa loo doortay xoghayaha guud ee xisbiga, guddigii ka socday qaramada midoobay waxaa go’aankii xisbiga S.Y.L. uu gaaray u gudbiyeen oo loo xilsaaray Xaaji Maxamed Xuseen iyo Cabdullaahi Ciise, waxayna guddigu u sheegeen:

-Waxaan si adag oo kama danbays ah uga soo horjeednaa fikrad kasta oo ku baaqaysa noqoshada Talyaaniga.

-Waxaan doonaynaa in dhulkeena lagu daro dhulyowga kale ee Soomaaliyeed iyo in aan isla wadaagno siyaasadda, maamulka iyo dhaqaalaha.

-Waxaanu nahay dad isku mid ah, dad ahaan iyo joqraafi ahaanba, waxaanu leenahay dhaqan, af iyo diin isku mid ah, mustaqbal kale ma lihin oo aan ahayn in aan noqono qayb ka mid ah Soomaali weyn, soohdimaha caalamiga ah ee hadda jirana waa kuwo dhalanteed ah qaybintuna waxay caddaaladdarro ku tahay siyaasadda, maamulka iyo dhaqaalaha waddankeena.

-In Soomaaliya la geliyo wisaayada ama xornimo gaarsiinta afarta quwadood ee addunka ugu waaweyn waana in ay ku soo koobnaanto muddo toban sannadood ah.

-Inta lagu jiro wisaayada waa in la qabtaa abaabulo maamuleed iyo dastuureedba si loogu gogol xaaro dhisid xukuumad Soomaaliyeed oo madaxbannaan.

-In la baabi’iyo rukhsooyinka waddooyinka kaasoo lagu dhaqmaayay lagana dhaxlay xukunkii faashiistaha ahaa iyo sharciyadii Talyaaniga.

-In la baabi’iyo wax kasta oo liddi ku ah xorriyadda iyo midab kala sooca.

-Waxaanu doonaynaa midnimo, Soomaalida kalena sidoo kale ayay u doonayaan, midayntaas oo keliya ayaanu ku heli karnaa fursaddii aynu ku muujin lahayn shucuurteena qarannimo iyo tiigsashada aan tiigsanayno in aan noqono qaran caadi ah.

Dhinaca kale waxaa jiray axsaab Soomaali ah oo dabodhilif u ahaa gumeysigii Talyaaniga, waxayna axsaabtaasi ku baaqayeen in Soomaaliya loo dhiibo Talyaaniga muddo soddon sannadood ahna la geliyo wisaayada, hayeeshe arrinkaasi ma hirgelin, inkastoo Talyaanigu uu markii danbe ku guulaystay in wisaayadii loo dhiibo, hayeeshe ay noqoto 10 sannadood.

Jannaayo kowdeedii sannadkii 1951kii waxaa Soomaaliya si rasmi ah looga furay golihii ugu horreeyay ee gobolka, hayeeshe intuusan goluhu howshiisa bilaabin ayaa madaxii xisbiga S.Y.L. Xaaji Maxamed Xuseen isagoo ku hadlaya magaca xisbiga u jeediyay hadal maamulkii wisaayada wuxuuna ugu baaqay in shacabka Soomaaliyeed loogu shaqeeyo wixii khayr ugu jira, wixii been ah oo lagu marin habaabinayo laga daayo, waxaan rumaysanahay ayuu sheegay Xaaji Maxamed Xuseen in maamulka wisaayada uu ku taagnaado kuna shaqeeyo af iyo addibna, waddada is fahamka ah, horumarkuna uu ku hawlgalo, waxaana loo baahan yahay dhammaan marxalooyinka maamulka in uusan wax shar ah ka soo bixin wax khayr ah mooye.

Dunidu wey is beddashay weyna horumartay khayrka guudna waa in uu ahaado ujeeddada ugu weyn, mana ahan ujeeddadu in ay ku koobnaato xaakinka oo keliya, markastana waxaan doonaynaa si fool ka fool ah in aanu kala doodno maamulka Talyaaniga arrimaheena, qadiyaddeena iyo wixii maslaxad ugu jirta dalkeena, annagu dhinaceena laguma arkayo wax dhib u ah dalkeena, annagu waxaan doonayna hagaajin iyo in wax wanaagsan lagu dhaqaaqo ayuu hadalkiisa ku soo gaboggabeeyay Xaaji Maxamed Xuseen.

Isla sannadkaas 1951kii ayaa Xaaji Maxamed Xuseen iyo wafdi uu hoggaaminaayay oo ka socday xisbigii S.Y.L. ka qaybgaleen shirweynihii islaamka ee lagu qabtay magaalada Karatshi ee dalka Pakistan, wuxuu kaloo xisbigu u diray dalalka carabta gaar ahaan: Masar, Sucuudiya, Syria iyo Yemen ergooyin waxbarasheed si ay waddamadaasi kula soo xaajoodaan xiriirna kula soo yeeshaan arrimo ku saabsan dhinaca tacliinta, waa inoo berri iyo qaybtii 4aad inshaa Allah.

Facebook: Maxamed Xaaji Maxamed Xuseen Maxamedeyn

Whatsapp: 0685732185

Halkan hoose riix kalana soco qaybtii 1aad:

http://www.somaliweyn.org/2020/05/06/halgankii-s-y-l-iyo-geesiyaashooda-u-soo-halgamay-sidii-ay-dalkooda-uga-xorrayn-lahaayeen-gumeystaha

Halkan hoose riix kalana soco qaybtii 2aad:

http://www.somaliweyn.org/2020/05/08/halgamayaashii-dhabta-ahaa-waxaa-lagu-beddalay-kuwo-dhalanteed-ah-taariikh-been-ahna-waa-loo-sameeyay-dhallintiina-wey-wareereen